4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2016
Garyaqaan Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf oo xilkii laga qaaday & Gudoomiye kale oo la Magacaabay


Arbaco, May 04, 2016 (HOL) — Guddoomiyihii Maxkamadda sare, Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf ayaa maanta laga qaaday xilka, waxaana Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka loo magacaabay, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan.

Waa markii ugu horreysay oo Jagada laga qaado Garyaqaan Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf oo soo hayay xilkan muddo sannado ah, waxaana wararku ay intaas ku darayaan in mas’uulka cusub ee loo magacaabay gudoomiyaha uu horay u ahaa garyaqaanka guud ee xukuumadda Somaliland.

Madaxweynaha Somalia ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf, Waxaana xil ka qaadistiisa loo sababeeyay Da’diisa 85-sano gaartay.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo xil-ka-qaadista Guddoomiyhii Maxkamadda Sare ee dalka iyo inuu shaaciyo magacaabidda Guddoomiyaha cusub ee la magacabaay, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha warkan waxaad kula socon doonaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya