4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2016
Maamulka Gobolka Banaadir oo Deeq Gaarsiiyay qoysas Barkacayaal ah oo ku nool xerada Sayidka


Arbaco, May 04, 2016 (HOL) — Xeradda Barkacayaasha Sayidka oo Daris la ah Aqalka Baarlamaaka Soomaaliya oo ku yaalla degmada Howl-wadaag ee Muqdisho, waxaana ku nool in ku dhaw 3,000 qoys oo isugu jira kuwo kuwa kasoo barakacay abaarihii qaybo ka mid ah Gobollada dalka Soomaaliya ku dhuftay Sannadkii 2011-kii, halka kuwo kalena laga soo raray Xarumo Danguud ah oo ku yaalla Muqdisho iyo kuwa dan-yar ah oo aanan laheyn awood dhaqaale ay ku kireystaan guriyo.

Barkacayaasha ku nool Xerada Sayidka ee Muqdisho waxay badi Noloshooda ku tiirsan tahay dad kale sida inay qabtaan shaqooyin yar-yar,  iyadoo haweenkana ay dhankooda nolosha kasoo dhiciyaan.

Roobka xilliga guga ayay Qaarkooda walaac ka muujinayaan sabab la xiriirta iyaga oo aana ogeyn Waxyaabaha ay kaga gaashaamanayaan roobka hoora sida bacaha, bustooyinka iyo IWM.

Maamulka Gobolka Banaadir oo cabashada nolosha Barakacayaashan dhowr mar ka maqlay Warbaahinta ayaa u is-taagay in ay dadkaasi u geeyaan cunnooyin si ay noloshooda wax uun ay isaga badasho, iyagoo sameeyay in lacag la aruuriyo ka dibna loogu iibiyo raashiin.

Dowladda Hoose ee Xamar oo metelayay guddoomiyaha Degmadda Cabdul-casiis, Cusmaan Muxyadiin Cali ayaa gaaray xerada Sayidka oo ah beertii hore ee daraawiishta waxay dadka xerada ku sugan u qeybiyeen raashiin noocyo kala duwan isugu jira sida; Bur, Bariis, Sokor, Saliid iyo Waxyaabo kale.

“Maamulka Gobolka Banaadir ayaa idiin kugu talo-galay intaasi kuma koobnaan doonto  Caawimaadeenna,” ayuu yiri Cismaan Muxyadiin.

Sidoo kale, Qaar ka mid ah Qoysaska barakacayaasha ah ee deeqdan la gaarsiiyay ayaa bogaadiyay kaalmadda maamulka gobolka banaadir waxayna yiraahdeedn xili aan u baahneyn ayaad kusoo beegteen.

Ugu dambeyn, Waa hubaal in bulshadeena ay isaga ger gaari karto dhanka nolosha iyada oo aanan cid kale sugin, muwaadin kasta oo ladan waa muhiim in uu caawiyo kan liita ee noloshiisa ay hooseyso ama miskiinka ah.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya