4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2016
Siilaanyo oo la Kulmay Hay’adda Alpha Trust oo Caawisay Qoysas ay Abaartu saameysay (Sawiro)

Arbaco, May 04, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed Maxamuud Siilaanyo Oo Uu Wehelinayo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa xafiiskiisa Ku qabilay Xubnaha Waftigii Ka Socday Hay,ada Alpha Trust  oo u soo gurmaday Dadweynihiii Abaaruhu saameeyeen sidii ay beerahoodii ugu qodi lahaayeen.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Xubnaha Gudiga Hay,ada Alpha Trust uga mahad-celiyay hawlaha dhinaca gar-gaar ka ah ee ay ka qabteen Somaliland muddadii ay ku sugnaayeen.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in tallaabadani tahay mid horumar leh oo ay horseed u yihiin dhalinyaradda, waxaanu gudoomiyaha hay’adda Alpha Trust  Daahir Cali Kulmiye iyo Agaasimaha Guud Ee Hay,ada Cabdisalaan Muumin uu sheegay inay wax badan qabteen, waxaanu sheegay inay tusaale u yihiin dhalinyaradda Soomaaliyeed, waxaanu si gaar ah u tilmaamay in dhalinyaro Arday u badani intay dhaqaale badan iska soo ururiyaan ay dadkoodii wax u taraan.

“Inamadaydii ayaad Tihiin Dalku Waa Idiin Furan Yahay Marwalba Waanad Soo Kala Barateen Ayey illatahay Dhulka, Oo Waad Soo Marteen Kolay Dhulka Badidiisa Meelihii aad gaadhi kari waydeen ee wakhtigu Idiin Saamixi waayeyna  Insha Allaah Mararka Dambe ayaad Tagi Doontaan Wax Kasta Oo aad maanta Somaliland Ka Qabateena Waa wax Buuga Xuska Idiin Gali Doonta” Ayuu Yidhi Mr Siilaanyo.

Guddoomiyaha Hay,ada Alpha Trust Daahir Cali Kulmiye, ayaa isna madaxweynaha uga mahadnaqay soo dhoweynta uu u sameeyey iyo sida diiran ee uu xafiiskiisa ugu qaabiley.

“Waxaan Idinkaga Macad Celinaynaa sida Sharafta Leh Ee Aad Noo Soo Dhawayseen Madax iyo Mijaba Waana mid Aanaan Marnaba illaawi doonin, Somaliland noqon mayso markii noogu dambaysay ee Marar Badan ayaan Iman Doonaa Insha Allaah, Waana Xoojin Doonaa Arimaha Gar Gaarka ee aanu Ka Wadno Somaliland”ayuu yidhi Daahir Cali Kulmiye Gudoomiyaha Alpha Trust.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud Ee Hay,ada Alpha Trust Cabdisalaan Muumin ayaa Madaxweyne Siilaanyo Warbixin Kooban Ka Siiyey Micnaha Loo Aas Aasay Hay,ada Alpha Trust iyo Hawlaha Ay Dadka Jilicsan U Qabato.

“Mudane Madaxweyne Ururkani waa Urur Inta Badan U Dhaq Dhaqaaqa Arimaha Gar Gaarka Dadka Jilicsan, Waxa aana Inta Badan wax Ka Qabanaa Taageerida Dadka Jilicsan Waxaana Ka Hawl galaa Meel Walba Oo ay Ku Sugan Yihiin dadka Jilicsan Ama Qaylo Dhaantoodu Naga Soo Gaadho”ayuu yidhi Agaasime Cabdi Salaan Muumin.

Waxaanu intaas ku daray. “Madaxwayne Waxaa Ururka Alpha Trust La Aas Aasay Sanadkii 2014 Kii Waxaana Wakhtigaas Dadkii Aas Aasay Ay Ka Koobnaayeen Ardayda Jamacadaha Qaybaha Kala Gadisan Ee Bulshada Sida Culumo, Aqoon Yahan, Duqayti iyo Dad Wayne Kale Oo Tiro Badan. Arimaha Gar Gaarka Ah ee Aan Somaliland Aan Hada U Nimid Waa Arimaha Wax Ka Qabashada Dadkii Dhibkii Abaaruhu Soo Gaadheen Wixii Aan Ka Gaadhno, Waxaana Tagnay Magaalada Gabilay Halkaas Oo Aanu Beeraha U Falnay 100 Qoys Oo Kamida Dadkii Ay Dhibaatadu Ka Soo Gaadhay Abaarihii Dalka Ka Jiray, Waxa Kale Oo Aan La Kulanay Intii Aan safarka Ku Guda Jirnay Hooyo Somaliyeed Oo Aad U Dhibaataysan Abaartii Dalka Ka Jirtayna ay Saamayn Xoogan Ku Yeelatay Oo Xoolihii Ay haysatay Oo Dhamaa 160 Neef Ay Abaartii Ka Raaceen Oo Ay U Soo Hadhay 4 Neef Waxaana Markii Aanu Aragnay Arinkaas Mudane Madaxweyne Uu Gudoomiyaha Hay,ada Alpha Trust Oo Ka Wakiil Ah Dhamaad Xubnaha Hay,ada iyo Dadkii Soo Sadaqaystay Arinkan aan Wadno Uu Isla Goobtii Kaga Dhawaaqay In Uu 30 Neef Oo Xoolo Dhaqasho Ah aanu Ugu Deeqno Hooyadan Dhibaataysan.Mudane madaxwayne Arinka Kale Ee Naxdinta Leh Ee Noo Sii Raaca Arintan Ayaa Ah In Hooyadu Markii Ay Wayday Xoolihii Ay Xoogaa Isla Hadashay Oo Maankeedii Uu Doorsamay Waana Arin Runtii Aan Aad Uga Murugoonay Markii Aanu Aragnay Ayuu Yidhi Agaasime Cabdisalaan Miimin.”

Agaasime Cabdi Salaan Muumin Oo Sii Wata Warbixintii Uu Siinayey madaxwayne Siilaanyo Ayaa Sidoo Kale Xusay Meelihii Ay Wax Ka Qabteen Oo Ay Ka mid Ahayd Dagmada Dila Oo Ay Masuuliyiinta Hay,ada Alpha Trust Ay Ku Booqdeen Qoyskii Ay Saameeyeen Roobabkii Daadka Watay Ee Qoyskaasi Ka Qaaday Hooyadii iyo Labadii Caruurta Ahaa Ee Ay Dhashay Waxa Ayna Isla Qoyskaasi Hay,ada Alpha Trust Ay Qoyskaasi U Dhistay Dhisme Guri Ah Oo Uu Roobku Ka Qaaday markii Hore.

“Mudane Madaxwayne markii Aan Deegaanka Dilla Dhaafnay Waxaanu Gaadhnay Magaalada Boorame Ee Xarunta Gobolka Awdal Oo Aan iyadana U Tagnay Hawlo Gurmad Ah Waxaana Deegaan Kaas Ka Qabanay 40 Qoys Waxaanu U Falnay Beero Sidoo Kale Waxaan Baco U Qaybinay Dadkii Reer Guuraga Ahaa Ee Ka Aga Dhawaa Boorame Maadaamoo Ly Xili Roobaadkii Guga Dadkuna Ay Baahi Wayn U Qabeen Bacaha Roobka. Sidoo Kale Mudane Madaxweyne Waxaa Noo Suuro Gashay In Anu Dhagax Dhigno Ceel Biyood Dadka reer Guuraga Ah Ay Manaafacaad Sadaan Kaas Oo Aanu Ka Dhagax Dhignay Meel Ku Haboon Ee Ay Dadku Ugu Baahida Badnaayeen Ayuu Yidhi Agaasime Cabdi Salaan”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Ugu dambeyn, Xubnaha Hay’ada Alpha Trust Oo Maalmihii U Dambeeyeyba Somaliland U Joogay Hawulo Gar Gaar Ah ayaa dalka dib uga dhoofay, kuna sii jeedaan Dalka Ingiriiska Oo Ay Markii Hore Waftigani Ka Yimaadeen.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]                            
Hargeysa, Somaliland