4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2016
Maamulka KMG ee Koonfur-galbeed oo Beeniyay inay Kooxda ISIS Saldhigyo ku leedahay Janaale


Arbaco, May 04, 2016 (HOL) — Taliyaha Nabad-sugidda Maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya ayaa beeniyay in Deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose ay ku yaallaan saldhigyo ay leedahay kooxda Daacish/ISIS, xilli dowladda Somalia ay sheegtay inay burburisay saldhigyo ay kooxdaasi ku lahayd Koonfurta Soomaaliya.

Saraakiisha Koonfur-galbeed, ayaa xusay inaysan xog-ogaal u ahayn joogitaanka Daacish iyo Weerarka ay Dowladdu Federaalka Soomaaliya sheegtay in ay Saldhigyo ay lahayd Kooxdan ku burburisay.

Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa baahisay in ciidanka Komaandoosta Somalia ay burburiyeen saldhigyo kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ee ISIS ay ku lahayd Somalia, xili lagu qaaday weeararo qorsheysan.

Taliyaha Nabad-sugidda Koonfur-galbeed Soomaaliya, Cali C/llaahi Isxaaq oo la hadlay Warbaahinta ayaa yiri. “Anagu Waxaan og-nahay oo kaliya in Al-shabaab ay halkaas ku sugan tahay, marna ma ogin in kooxda Daacish ay ku sugan yihiin, sidoo kale weerarka ay Dowladda Somalia sheegtay inay ku burburisay saldhigyada Daacish ay deegaanka Janaale ku lahayd,” ayuu yiri Cali Isxaaq.

Dhinaca kale, Taliyuhu wuxuu xusay inaysan jirin xal-waara oo laga gaari karo dagaallada kusoo noq-noqda gobolka, inta siyaasadda laamaha dowladda dhexe iyo AMISOM qaybta uga sugan gobolka lagala tashanayo.

Ugu dambeyntii, Gobolka Shabeellada Dhexe oo la Daala-dhacayo Dagaal beeleedyo, ayaa haddan waxaa soo if-baxayo Warar maamulka Koonfur-galbeed aysan ogeyn oo ku aaddan inay saldhigyo ku leeyihiin kooxda Khilaafada Islaamka la baxday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya