4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2016
Xukuumadda Kenya oo Qunsuliyado ka furanaysa dhowr Magaalo oo ku mid ah kuwa Soomaaliya


Arbaco, May 04, 2016 (HOL) — Dowlado dhowr ah oo Soomaaliya saaxiibbo dhaw kala ah dhanka wada-shaqeynta, ayaa Magaalada Muqdisho ka sameystay Qunsuliyado ay ku shaqeeyaan iyagoo badi ugu adeegayo Muwaadiniintooda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee danta ka gasho safaaradda. Waxaa jiro Dowladdo u baratamayo in Soomaaliya ay ka sameystaan Safaarado loogu adeego Muwaadiniintooda jooga dalka Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in bisha July ee Sannadkaan ay Qunsuliyado ka furanayso Magaalooyinka Kismaayo, Garoowe, Baydhabo iyo Hargeysa. Warkaan waxaa shaaciyay safiirka Kenya u fadhiya Muqdisho culus tumbo oo wareysi siiyay wargeyska The Star.

Sidoo kale, Danjire Tumbo wuxuu sheegay in Qunsuliyadahan ay noqon doonaan kuwa loogu adeego muwaadiniinta Kenya ee ku nool gudaha Soomaaliya kuwaasoo tiradooda uu ku sheegay 20-kun kana shaqeeyaan meelo kala duwan oo Muqdisho ah.

Wuxuu sheegay in Xaaladda Amni ee Soomaaliya ay soo hagaagayso, isagoo ugu baaqay muwaadiniinta Kenya inay yimaadan Soomaaliya si ay uga faa’iideystaan fursadaha ka jira ee dhanka shaqooyinka ah.

Ugu dambeyn, Dalka Soomaaliya waxaa la sheegaa inay ku sugan yihiin shaqaale badan oo u dhashay Dalka Kenya, kuwaasoo ka shaqeeya Hay’adaha Samafalka, hoteellada iyo dhismayaal kale, balse dal ay muwaadiniintiisa qeyb ahaan ay shaqo la’yihiin ayaa muwaadiniin kale loogu wacayaa inay ka shaqeystaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya