4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2016
Ted Cruz oo Shaaciyay inuu ka haray Tartanka Doorashada Is-reeb-reebka ah ee Xisbiga Jamhuuriga


Arbaco, May 04, 2016 (HOL) — Ted Cruz oo ka mid ahaa, Murashaxiinta Jamhuuriga ee ku tartamayay doorashooyinka tijaabada ahayd ee ka socotay gobollada dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu k haray tartanka doorashada.

Tallaabadan ayaa fursad siinaysaa murashaxa Donald Trump oo uu xifaaltan weyni kala  dhexeeyay, kaasoo qarka u saaran inuu noqdo musharxa Xisbiga Jamhuuriga ah ee dalka Mareyanka uga Qayb-galaya doorashada guud ee Mareykanka.

Sidoo kale, Ted Cruz ayaa shaaciyay ka bixitaankiisa tartanka wax yar kaddib markii ay caddaaday inuu ku guul daraystay codbixinti ka dhacday Gobolka Indiana ee dalka Mareykanka.

Doorashada is-reeb-reebka Xisbiyada Maryekanka ayaa hadda gaba-gabo ku dhaw. Iyadoo murashaxiinta sida weyn loogu saadaalinayo inay guulo ka gaareenna ay ka mid tahay Hillary Clinton oo ku tartamaysa magaca xisbiga Dimuqraadiga.

Murashax Donald Trump oo ka hadlayay meel fagaare ah ayaa amaanay Cruz oo uu ku sheegay nin adag oo xariif ah. Iyadoo Trump iyo Curz ay saacado ka hor hadallo xanaf leh is-dhaafsanayeen.

Ugu dambeyn, Bernie Sanders ayaa si darqi ah kaga guulaystay Hillary Clinton oo ay kawada tirsan yihiin xisbiga Dimuqraadiga, waxaana doorashada looga badiyay Hillary Clinton ay ka dhacday gobolka Indiana.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya