4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2016
Xildhibaanada BF Somalia oo Maanta soo Gaba-gabeynaya Akhrinta Hannaanka Doorashada


Arbaco, May 04, 2016 (HOL) — Baarlamaanka Somalia ayaa lagu wadaa maanta in uu soo gunaanado akhrinta go’aannadii Doorashada ee uu dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Somalia u gudbiyay baarlamaanka, iyadoo xildhibaannada ay ku kala aragti duwanaayeen dooddii ay shalay ka yeesheen arrintan.

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Somalia, ayaa sheegay in maanta la soo Gunaanadi doono doodda, iyadoo xildhibaanno ka haray kuwii shalay ka doodayay Qodobbada habka doorashada ay maanta aragtidooda ka dhiiban doonaan.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Berri oo Khamiis ah uu Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke mar kale hor-tegi doono baarlamaanka, si uga jawaabo su’aalo ay weydiinayaan xildhibaannada baarlamaanka Somalia.

Xildhibaanada baarlamaanka Somalia qaarkood ayaa ku doodaya in la saxo qaar ka mid ah qodobbada hannaanka doorashada, isla markaana baarlamaanka uu meel-mariyo, balse xildhibaano kale ayaa iyana ku dooday in xukuuumadda lagu celiyo.

Ugu dambeyn, Lama oga xilliga codka loo qaadi doono hannaanka doorashada dalka ee ay maanta soo gaba-gabeynayaan akhrintiisa Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya