4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 3 , 2016
Ururka Saxafiyiinta Jubaland oo taageeray shirka lagu dhisayo hogaanka ururka NUSOJ
Talaado, May 03, 2016 (HOL) —Qaar kamid ah wariyeyaasha ka howlgala magaalada Kismaayo ayaa soo dhaweeyay dadaallada la doonayo in lagu dhiso hogaanka ururka saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, kaa oo ka soconaya magaalad Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulan ay wariyeyaasha ku yeesheen Kismaayo ayay ku taageereen xubnaha matalaya warbaahinta Jubalannd ee ka qeybgalay shirka ka socda Muqdisho ee lagu soo dhisayo hogaanka ururka NUSOJ, iyagoo ku tilmaamay in ay tahay tallaabo horumar leh oo horseedi karta in ururku yeesho hogaan mideeysan.

War murtiyeed ay kulankooda kasoo saareen wariyeyaasha oo uu ku saxiixnaa Gudoomiyaha ururka JIJA ayaa u qornaa sidan;

  • Ururka JIJA wuxuu ugu hambalyeeynayaa saxafiyiinta Soomaaliyeed maalinta xoriyadda saxaafadda adduunka
  • Wariyeyaasha Jubaland waxay cadeeynayaan in xubnaha u matalaya shirka ka socda Muqdisho in ay iyagu soo dirsadeen
  • Wariyeyaashu waxay ku qanacsanyihiin natiijadii kasoo baxda shirka lagu dhisayo hogaanka ururka NUSOJ, ayagoo ballan qaadaya in ay la shaqeyn doonaan qofkii ku guuleysta hogaanka ururka
  • Saxafiyiinta Jubaland waxay ugu baaqayaan gudiga doorashada in ay sii wadaan dadaalkooda islamarkaana aysan dhageeysan dadka diidan in ay wax dhismaan
Kulanka ay isugu yimaadeen wariyeyaasha Jubaland ayaa imanaya xilli magaalada Muqdisho uu ka soconayo shirweeynaha qaran ee warbaahinta Soomaaliyeed, kaa oo lagu soo dhisayo hogaanka guud ee ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliya.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.