4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 3 , 2016
FAAHFAAHIN: Heshiiskii DDS Itoobiya iyo Gal-Mudug ay ku kala Saxiixdeen Jigjiga (DAAWO)


Talaado, May 03, 2016 (HOL) — Kaddib Wadahadallo ay maalmihii u dambeeyay Jigjiga ku lahaayeen madaxweynaha maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed iyo Dhigiisa Dowlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa lagu Guuleystay in ugu dambeyn ay maanta madaxda heshiis kama dambeys ah ka gaaraan shaqaaqooyinkii ka dhacay soohdinta labada maamul u dhexeysa.

Wadahadallada labada dhinac ayaa intii ay socdeen waxaa kaalin ka qaatay madaxweynaha Jubbaland Axmed Max'ed Islaam iyo Masuuliyiin kale oo ka socday dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Mas'uuliyiintan ayaa xusay inay heshiis ka gaareen shaqaaqooyinkii dhacay iyagoo ballan-qaaday in ay ka hortagi doonaan wax walba oo khilaaf abuuri kara.

DAAWO: Heshiiska ay Jig-jiga ku gaareen Madaxda Galmudug iyo DDS ee Itoobiya;

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya