4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 3 , 2016
MUUQAAL: Gabadhii Soomaaliyeed ee Shalay Is-gubtay oo Dhaawaceedii la Gaarsiiyay Australia


Talaado, May 03, 2016 (HOL) — Waxaa Maanta Waddanka Australia la Gaarsiiyay Gabar Soomaaliyeed oo shalay isku gubtay Jasiiradda Nauru, halkaasoo Dowladda Austalia ay ku hayso Qoxooti fara badan oo ay Somali ku jirto, Waxaana gabadhan oo ku jira xaalad adag oo dhanka caafimaadka ah lagu daweynayaa isbitaal ku yaala magaalada Brisbane ee dalka Australia.

Gabadhan Soomaaliyeed oo Hodan Axmed Barre lagu Magacaabo, ayaan weli la Garanayn sababta ay isku gubtay, waxaana ay noqonaysaa qofkii labaad oo Jasiiradda Nauru dab isku qabadsiiya muddo toddobaadyo ah, iyadoo toddobaadkii hore uu nin Iiraaniyaan ah uu isku gubay Jasiiraddaas, kaasoo u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

DAAWO: Warbixin la xiriirta gabadha Soomaaliyeed ee isku gubtay Jasiirada Nauru


Arrintan ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka socdaalka Dalka Australia, iyadoo shacabka dalka Australia ee baraha bulshada Fikradahooda ku dhiibanayana ay sheegeen in aysan Raalli ka ahayn sida loola dhaqmo Qaxootiga lagu hayo Jasiiraddaas oo gaaraya 800 oo qof oo ay ku jiraan Qoxooti Soomaaliyeed.

Ibrahim Omar Bafo, Hiiraan Online
[email protected]
Melbourne, Australia