4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 3 , 2016
SAWIRRO: Premier Bank oo Maanta ka Furay Magaalada Hargeysa Adeegyo ku Cusub Dalka

Talaado, May 03, 2016 (HOL) — Bangiga caalamiga ah ee Premier Bank, ayaa maanta ku daah-furay Magaalada Hargeysa, Adeegga cusub ee loo yaqaanno ATM [Automated Teller Machine] oo fursad fiican u ah Qurbo-joogta iyo dadka Ajnabiga ah, iyagoo Kaararkoodda si fudud ugula  bixi kara lacagtooda.

Premier Bank waa Bangi caalami ah oo xidhiidh la leh bangiyo badan oo dalalka adduunka ku yaalla, Waxaanu Rusqad ka haystaa Baanka Dhexe ee Somaliland, kaas oo u fududeyn doona ganacstada iyo hay’adaha caalamiga ah inay si fudud lacagtooda uga saaran karaan.

Munaasabada daah-furka adeegan cusub ee ATM, ayaaa lagu qabtay Ambassador Hotel ee Magaalada Hargeysa, waxaana xafladaasi ka soo qaybgallay Agaasimaha Baanka dhexe ee Somaliland C/llaahi Xasan, Mas'uul ka socda Premier Bank, Dr. C/weli Sheekh Cabdilaahi Suufi  Jibriil iyo dad Qurbojoog ah oo soo dhoweeyey furitaanka adeegam Baankan cusub

Ugu horreyn, Dr. C/weli Sh. C/llaahi Suufi Jabriil, ayaa ka warbixiyay siduu u shaqaynayo iyo fursadaha uu dadka u leeyahay Premier Bank, isagoo Hadalkiisa ku billaabay “Premier Bank waa Bangi Islaami ah oo ka diiwaan-gashan Rusqadna ka haysta - Bangiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale, Premier Banka waxa uu maanta oo taariikhdu tahay 03/05/016 si rasmi ah uga daahfurnay bulshadda Somaliland markii ugu horeysay adeegyadda Mastercard iyo VISA, isagoo keenay Mishiinnada lacagta lagla baxo ee loo yaqaanno Automated Taller Machine (ATM), kaas oo la Jaan-qaadaya Siyaasadda Bangiga iyo ujeeddooyinka Bangiga Dhexe ee Somaliland oo ku salaysan in la xoojiyo isticmaalka hababka lacag bixineed oo casri ah oo kaadhadhka caalamiga ahina ka mid yhiin.

Adeegga noocan ah, wuxuu u sahli doonnaa Qurbo-jooga ku nool waddanka dibaddiisa iyo socotada Ajnabiga ah inay si fudud u heli karaan lacagahooda ugu jira Baananka caalamiga ah marka ay socdaal ku yimaadaan Somaliland, sidoo kalena, Wuxuu Kaalin laxaad leh ka qaadaan doonnaa in ardaydu iyagoo dalkoodda jooga jaamacaddo caalami ah wax ka baran karaan, shacabka kalena ay si fudud uga adeegan karaan suuqyada Inter-netka.”

Dr. Cabdiweli Sheekh oo arrintaasi sii faahfaahinaya waxa uu yidhi “Baanku wuxuu bixin doonaa adeegyo maaliyadeed oo ay ka faa’iidaysan doonaan dadweynaha, ganacsatadda yaryar, kuwo waaweyn iyo Hay’adaha kala duwan ee Somaliland ka hawlgala. Waxa uu sidoo kale hirgalin doonaa adeegyo casri ah oo kaalin laxaad leh ka qaadan doonna shaqo abuurka, wax soo saarka, koboca dhaqaalaha, iyo horumarka dalka guud ahaan.”

“Adeegga ATM waxaa hadda si toos ah looga heli karaa Ambassador Hotel, iyadoo Maal-maha soo socdana la Hawl-galin doonno ATM-yo kale oo laga dhigi doonno Goobo ay si fudud uga heli karaan dadweynuhu. Premier Bank waxa uu sii waddi doonnaa Dadaalkiisa uu dalka iyo dadka Somaliland ugu keenayo hanaan maaliyadeed oo casri ah, Wax-tarna u leh bulshadda.”ayuuu yidhi  Dr. Cabdi weli Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil.

Agaasimaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdullaahi Xasan Aadan, ayaa soo dhaweeyay furitaanka Bangiga cusub, waxaanu xusay inuu Dadweynaha usoo kordhin doono Adeegyo cusub oo dadka Ajnabiga ah & qurbo-jooguba kaararkooda ay kala bixi karaan lacagtoodda iyagoo wadanka jooga.

Agaasimaha Baanka Dhexe, C/llaahi Xasan oo furitaanka Baankan cusub ka hadlaya waxa uu yidhi “ maanta waxaanu halkan ku daah-furaynaa Adeeg Cusub oo ay dalka kusoo kor-dhiyeen Premier Bank, Waxaanu Bangiga Dhexe Liisanka siiyey Bishii January, 2016-ka, waxaanay buuxiyeen dhamaan shuruudihii looga baahnaa Baan ganacsi ah oo  islaami ah, waxaanu ku faraxsanahay in shaqadoodii ku bilaabaan adeeg cusub oo aan dalka hore uga jirin oo ay soo kordhiyaan, wuxuu ku shaqayn doonnaa ATM oo ah mishiinkan uu qofku isagoo kaadhkiisa sita Master Cardka ama Visa uu lacagtiisa kala bixi karo, adeegan waxa isticmaali kara ardayda jaamacadaha ku jira oo Buugaagta ay u baahan yihiin ku iibsan kara, socotadda dalka yimaada ee qurba joogta iyo Ajanabiga dalka yimaadaba iskugu jira. Premier Bank waa mid sharci ka haysta baanka dhexe Somaliland, Baanka dhexena wuxuu dhiirigalinayaa Baananka ganacsi ee doonaya inay dalka ka  shaqeeyaan, waxaana soo kordhin doonaa maalgashiga iyo horumarinta dalka, waana soo dhoweynaynaa, iyaga iyo kuwo kale ee iman doonna.”

Sidoo kale, Waxaa isagana isla goobtaas lacag kala baxay nin qurbo jooga oo magaciisa la yidhaaa Yaasiin Sheekh, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Hargeysa Dhexdiisa uu Bangigii Caalamiga ahaa ugu yimaado, isla markaana hadba inta aad doontid kala bixi kartid lacagta aad doonayso.

“Haddii aanu Qurbo-jooga nahay halka ATM-ka ka heli jirnay waxay ahayd Dubia, waxaa Nasiib-wanaag ah - in Hargeysa Dhexdeeda aanu ka helnay Premier Bank, Waxaanu kaga maarmayna xawaaladihii & haddii lacag badan laguu soo diro waxay leedahay khatarteeda, Laakiin Baankan kolba inta aad doonto ayaad  kala baxaysa”ayuu yidhi Yaasiin Sheekh oo isla dadkii hortiisa lacag kala baxay Premier Bank ATM. 

Ugu dambeyntii, Premier Bank oo ah mid ganacsi oo  Caalami ah, ayaa Dadweynaha reer Somaliland ugu bishaareeyay in Somaliland uu u daah-furay adeega ATM, isla markaana uu yahay Baan ganacsi oo islaami ah.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland