4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 3 , 2016
Hay’adda HRW oo Dowladda FS iyo Al-shabaab ku eedeysay inay Caburin ku hayaan Suxufiyiinta


Talaado, May 03, 2016 (HOL) — Warbixin ay soo Saartay Hay’adda u Doodda Xaquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa waxay ku sheegtay in Soomaaliya ay tahay dalka ugu adag ee wariye uu ka shaqeyn karo mar loo eego culeysyada ay inta badan saxafiyiintu la kulmaan.

HRW ayaa warbixinteeda ku xustay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay ku shaqeeyaan xaalad adag, isla markaana la beegsado xilli walba. Sidoo kale Warbixinta waxaa lagu xusay in ay Soomaaliya tahay wadanka ugu xun Qaaradda Afrika ee Suxufiyiini ka hawl-galaan, marka caalamka la eegana ay tahay Waddamada ugu daran ee ay ka hawl-galaan uu suxufiyiinta.

Sidoo kale, Hay’adda HWR ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka Somalia iyo Xarakada Al-shabaab inay caburiyaan suxufiyiinta ayna ku khasabaan inay tabiyaan Wararkooda.

Laetitia Bader, oo ah cilmi-baare ka tirsan Hay’ada HRW, ayaa sheegtay in marka loo eego xaaladda ay suxufiyiinta Somalia ku shaqeeyaan ay keenayso in dalka loo aqoonsado dalka ugu xun caalamka ee wariye ahaan looga shaqeeyo.

“Shirqoollada iyo Cago-jugleynta joogtada ah ee lagu hayo Suxufiyiinta Soomaaliya, ayaa ka dhigaysa Dalka inuu yahay mid ay khatar kala kulmaan Suxufiyiinta,” ayay tiri Laetitia Bader.

Haweeneydaan Cilmi-baaraha ah ee ka tirsan HRW, ayaa waxay sheegtay in Xaaaladda ay Suxufiyiinta Soomaaliyeed ku shaqeeyaan ay sii xumaanayso sida ay aaminsan tahay, ayna aad u yar tahay in si xorriyad ah loo hadlo.

Dhanka kale, Laetitita Bader, ayaa ku eedeysay Dowladda Somalia inay Cadaadis xoog leh saarto Suxufiyiinta ama Xarumaha Warbaahinta, iyadoo Suxufiyiinta Soomaaliyeed-na ku tilmaantay kuwa la kulma culeysyo kala duwan.

HRW, ayaa waxay xustay in dhibaatada kale ee Wariyeyaasha Soomaaliyeed haysata ay ka mid yihiin; in Qaarkood aysan lahayn khibrad ku filan oo ay Warbaahinta uga shaqeeyaan , waxayna hay’adu tusaale u soo qaadatay in suxufiyiin badan oo ay la kulmeen ay da’dooda ka yartahay 25-sanno.

“Suxufiyiin tiro badan ayaa Naftooda ku waayay Somalia Shaqadooda Awgeed; sidoo kale waxaa la dhaawacay tiro kale, kuwo kalena way ka carareen,” ayaa lagu yiri Warbixinta ay soo saartay hay’adda HRW.

Ugu dambeyn, Tirada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Ammaan-darro Awgeed Somalia uga  cararayay, ayay Hay'adda HRW sheegtay inay ka badan yihiin 70 wariye, intii u dhexeysay sannadihii 2008-dii illaa 2013-kii.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya