4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 3 , 2016
Sanduuqa Lacagta Caalamka ee IMF oo sheegay in dhaqaalaha Qaarada Afrika uu hoos u dhacay

Talaado, Mey 03, 2016 (HOL)-Kadib markii muddo koboc xooggan uu galay dhaqaalaha Afrika qeybteeda Saxaraha ka hooseysa ayaa haatan waxaa IMF ay sheegeysaa in uu hoos u dhac kuyimid kobocaasi dhaqaale.

 

IMF ayaa sheegtay in koboca qeybtaasi ka midka ah qaarada Afrika uu hoos u dhac weyni soo gaaray sanadkii tagay ee 2015.

 

Hayada IMF ayaa haatan ayadu sheegeysa in dhaqaalaha qaaradu gaaray halkii ugu hooseeyay tobankii sano ee lasoo dhaafay iyo kabadan. Waxay sidoo kale IMF saadaal ku cabbirtay in laga yaabo in uu koboca dhaqaaluhu hoos usii dhaco sanadkaan 2016.

 

Waxaa aad koboca dhaqaalaha qaarada usaameeyay oo hoos u riday ascaarta shidaalka iyo macdanta oo hoos u dhacay in dhawaale.

 

Sidoo kale ayaa IMF waxay warbixin kusheegtay in cudurka Ebola uu saameeyay koboca dhaqaalaha ee Afrikada ka hooseeysa saxaraha ayadoo isu socodkii uu yaraaday gaar ahaan galbeedka Afrika cabsi cudurkaa laga qabay inuu faafo darteed.

 

Hayada IMF ayaa haatan sheegeysa in 2015 uu dhaqaalaha Afrika siyaaday 3.5% oo qura; sanadkaan 2016 ayay tiri waxaa un la fili karaa koboc ah 3%.

 

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi. Kenya