4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 3 , 2016
Maalinta saxaafadda dunida oo Maanta la Xusay iyadoo Xaaladda Suxufiyiinta Somalia & Afrika...

Mid ka mid ah weriyeyaasha Soomaaliya lagu dilay oo salaatul Janaaza meydkiisa lagu tukanaayo/Sawirka Xaquuqdiisa waxaa leh Human Rights Watch


Talaado, May 03, 2016 (HOL) - Maanta caalamka oo idil waxaa looga dabaal-dagayaa Maalinta Saxaafadda ama xorriyada saxaafada caalamka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga deyrinayaa xaaladda Nololeed iyo mida shaqo ee wariyeyaasha Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

 

Saxafiyiinta kusugan Soomaaliya ayaa sida warbixin ay hayada Human Rights Watch (HRW) soo saartay lagu sheegay in weerarada ka dhanka ah ay isa soo tarayaan. Sanado badan ayaa dhibaatada ugu badan waxay wariyeyaasha ugaga imaanaysay Alshabaab, waa sida warbixinta HRW lagu xusay.


Laakiin warbixintan HRW  ayaa sheegeysa in ciidamada dawladu ay dhibaan saxafiyiinta iyo saxaafada Soomaaliya. Laetitia Bader oo ka tirsan HRW ayaa sheegtay in qabqabashada lagu hayo weriyeyaasha iyo dhibaateynta saxaafadu ay abuurto jawi xun oo faafreebid ah iyo cabsi.

 

Soomaaliya ayaa muddo dheer ahayd wadan kujira liiska wadamada ugu khatarta badan ee saxafiyiini ka hawl galaan. HRW ayaa sheegtay in wariyeyaasha Soomaaliya ay had iyo jeer u sheegaan in la bar tilmaameedsanayo oo dhinacyo badan weeraro uga imaanayaan.


Hase ahaatee, waxaa kobocday saxaafada Soomaaliya rubuc qarnigii tagay ayada oo ay haatan Soomaaliya kuyaalaan in ka badan 50 idaacadood laakiin xaqiiqda ayaa ah in xaddidaad warbaahinta saaran ay aad u dhinto waxa ay soo tebin karto maadaama ay wariyeyaashu ka cabsadaan in waxyaabaha qaar hadii ay tebiyaan lasoo weeraro.


Dhibaatooyin kale sida weerar iyo xiritaanka saxafiyiinta ayaa ayana warbixintu tilmaantay in kooxda Ahlu Sunna Wal Jamaaca ay ka geysatay gobolada dhexe gaar ahaan magaalada Dhuuso-mareeb.

Sida warbixinta lagu sheegay, laamaha sirdoonka ee dawlada ayaa caasimada Muqdisho mamnuucay inay wariyeyaashu soo tebiyaan wararka kooxda Alshabaab ay soo saarto.

Talo bixinada warbixintaa HRW ayaa waxaa qeyb ka ah  dhammaan qeybaha kala duwan ee siyaasada Soomaaliya isku haya inay u ogolaadaan warbaahinta inay soo tebiso waxyaabaha ummada muhiimka u ah.

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi. Kenya