4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 3 , 2016
SOMALILAND: Booliiska oo sheegay in ay xireen Magafayaashii ugu badanaa & Shiikh kicin waday


Talaado, May 03, 2016 (HOL) — Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland, Faysal Xiis, ayaa  sheegay in Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sune) oo habeen hore gurigiisa loogu daatay uu ku xidhan yahayy xarunta dambi baadhista,kaasi oo loo haysto falal amni daro ah.

Sidoo kale, Afhayeenku wuxuu sheegay in  hawlgaladdii u dambeeyey lagu qabtay laba iyo labaatan magafayaal ah, isla markaana gaadiidkii ay dadka ku guri jireen la soo xidh xidhay.

Afhayeenka oo ugu horeyn ka hadlay magafayaasha la soo qabtey iyo cadaymaha lagu hayo waxa uu yidhi “Ciidanka Boolisku isagoo gudanaya xilka iyo waajibka loo igmaday, wuxuu sameeyey hawl aad u balaadhan oo dhawr weji leh, waxaanu soo qabanay dadka loo yaqaan magafayaasha dadka tahriibay, kuwaas oo dhamaa 22 qof ayaanu hadda hayna, waxaana qaar ka mid ah lagu soo qabtey waraaqihii ay dadka jidka ku dhaafin jireen iyo dhakomantiyo  iyo jawanno ay dadka lacagta kaga qaadi jireen, hadda ka hor gaadiidkii ay dadka ku gurayeen waanu soo qabanay, waxaanay hor yaalaan maxkamadda, Bulshadana waxaan uga digayna cid kasta oo bedesha magafayashaasi in talaabo adag laga qaadi doonno, isla markaana qaar isku dayey inay badalaana aanu soo qabanay”.

Waxaa kaloo uu afhayeenka ciidanku ka hadlay dhalinyaradda xaafadaha oo uu sheegay inay amni daro ku kacaan, waxaanu waalidka usoo jeediyey inay caruurtooda wax ka qabtaan, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan idiin sheegaya in dhalinyaraddii xaafaduhu inay amni daro la soo baxeen, isla markaana qaar badan aanu qabanay, waxaana waalidka dhalay u sheegayna inta aan la soo qaban waa inuu wiilkaasi wax ka qabta haddii uu gacanta ciidanka soo gallo talaabo sharciga waafaqsan ayaanu ka qaadayna”

Afhayeenka ciidanka Booliska oo sheegay goorta la soo qabtay iyo dambiga lagu haysto sheikh Aadan Sunne oo si weyn looga yaqaano magaaladda Hargeysa, waxa uu yidhi “Waxaanu halkan idinka sheegayna in xalay (habeen hore) oo bishu aheyd laba  ay saacaduna aheyd ilaa 12:20 habeenimo  ciidanka boolisku waxaa ay soo qabteen oo ay xarunta C.I.D ay ku xidheen sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne)  sheekhaasi waxaa uu ku kacey falal nabad galyo daro oo khatar ku ah bulshada Somaliland . Hadhow baad iska odhan doontaan sheekh baa la isku soo xidhay la iskama soo xidhin ee dariiqii sharciga ahaa baa loo maray danbigaas uu galay kiiskiisa waa la baadhey warqada qabashada maxkamada ayaa u soo jartey oo uu ku xidhan yahay,  waxaan deg deg loo geyn hor geyn doona maxkamada, waxaan usoo jeedinaya ninka wadaad iyo diin ka shaqeeya inuu umada isku xidhnaanshihiisa iyo wanaaga ka shaqeeya weeyi, looma baahna falal kicin oo dadka lagu kicinayo ama amni daro abuuri kara inuu ka shaqeeyo looma baahnaa ”

Wadaadkan ayaa dhawr jeer oo hore xabsiga loo taxaabay, inkasto markii dambe la iska sii daayey.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland