4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 3 , 2016
Dagaal khasaare dhaliyay oo maanta dhexmaray Ciidamada Galmudug iyo Kooxo Isbaarooley ah


Talaado, May 03, 2016 (HOL) — Ugu yaraan sadex qof ayaa ku geeriyooday, shan kalana wey ku dhaawacmeen dagaal dhexmaray kooxo hubaysan oo isbaaro dhigtay dulleedka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo  iyo ciidammo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug.

Dagaalka ayaa socday muddo saacado ah, waxaana wararku sheegayaan in ciidamada Gal-mudug ay la wareegen bartii kaantarol ee lagu dagaallamay.

Sidoo kale, Dhaawacyada shanta ruux ayaa lagu daewynayaa isbitaalka dhanka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ku yaalla, Ma jiro illaa hadda Mus’uul ka tirsan Galmudug oo ka hadlay dagaalkan.

Dagaalkan ayaa imaanaya xilli uu go’aan kazoo saaray madaxweyneha Galmudug inaan la dhigan karin inta u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Cadaado isbaaro uusan maamulku ogeyn.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo dulleedka Gaalkacyo uu ka dhaco dagaal u dhexeeya ciidamada Galmudug iyo kooxo isbaarooley ah.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya