4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 3 , 2016
Ilmo yar oo laga soo badbaadiyay guri dabaq ah oo dhawaan ku dumay Xarunta Kenya ee Nairobi


Talaado, May 03, 2016 (HOL) — Ilmo yar oo sanad jir ah, ayaa laga soo badbaadiyay bur-burka dhisme dabaq ah oo Afar maalmood ka hor ku dumay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Dhismaha dumay oo lix dabaq ka koobnaa, ayaa la deggenaa, isagoo dumay kaddib markii ay magaalada Nairobi ka da’een roobab xoog leh Jimcihii hore, Waxaana ku Geeriyooday 22-qof.

Sidoo kale, Waxaa la rumeysan yahay in dad badan ay wali ku hoos-xaniiban yihiin Bur-burka dhismahaas. Iyadoo booliiska Kenya ay sheegeen inay xireen ninkii lahaa dhismahan dumay oo lagu magacaabo, Samuel Karanja Kamau.

Dabaqan dumay ayaa wuxuu dhisnaa laba sano oo keliya, iyadoo laba bilood ka hor ay xukuumadda Kenya calaamadisay in in la dumiyo. Waxayna saraakiisha Kenya sheegeen inuusan ruqsad haysan inuu kireeyo dhismahaas oo ka koobnaa 119-qol.

Ugu dambeyn, Warbaahinta Kenya ayaa baahisay in illaa iyo hadda gurigan dumay laga soo badbaadiyay illaa 135-ruux. Iyadoo hay’adda Laan-qayrta Cas ee Kenya ay iyaduna sheegtay in ilmaha la helay oo ah gabar la helay xalay saqdii dhexe, iyadoo buste ku duu-duubnayd.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya