4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 3 , 2016
Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda FS oo xalay Qof rayid ah ku dilay magaalada Beledweyne


Talaado, May 03, 2016 (HOL) — Askar ka tirsan ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa fiidnimadii xalay rasaas ku furay gaari nooca Bajaajka ah xaafadda Xaawo Taako, taasoo sababtay gaarida qof rayid ah oo ka mid ahaa macalimiinta wax ka dhigta qaar ka mid ah dugsiyada magaalada Beledweyne.

Maxamed C/llaahi Xaashi oo ahaa marxuumka dhintay, ayaa saakay lagu aasay Dulleedka Magaalada Beledweyne iyadoo aaskiisa ay ka qeyb-galleen dad isaga kala yimid xaafadaha degmada oo u badnaa macalimiin iyo ardeydii uu wax bari jiray intaba.

Sidoo kale, isla ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa dhaawacay labo ruux kale oo dhalinyarro ah kaddib markii sidda la sheegay Bam lagu tuuray goob ay ciidammada ku sugnaayeen.

Hawlgal ay sameeyeen ciidammada nabad-galyada ayaa markii loo soo qabtay afar askari oo la sheegay in ay lagu tuhusan yahay dilka marxuumka geeriyooday.

Saraakiisha hay'addaha ammniga, ayaa sheegay in baaritaan ku waddaa falka dhacay, cid kasta oo lagu helana sharciga la horkeeno doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya