9/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 3 , 2016
Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM oo lag wado inay bishan Booqasho ku yimaadaan Soomaaliya


Talaado, May 03, 2016 (HOL) — Golaha Ammaanka ee QM ayaa la filayaa wadaa inay ku yimaadaan Somalia socdaal bishan lagu jiro ee May, si ay u Taageeraan Doorashada lagu wado inay dalka ka dhacdo daba-yaaqada sannadkan lagu jiro ee 2016-ka, sida uu sheegay safiirka Masar u fadhiya QM, ahna Madaxweynaha Bishaan ee Golaha Ammaanka, Amr Aboulatta.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale tagi doona Magaalada Nairobi 17-ka illaa 21-ka bishan May, sidoo kale waxay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar kulan kula Qaadan doonaan Xubnaha Ururka Jaamacadda Carabta.

“15-ka xubnood ee Golaha Amaanka waxay socdaal ku tagi doonaan Somalia, si ay galaan-gal ugu sameeyaan doorashada ka dhici doona Somalia, waxay ila tahay in doorashada ay dhici doonaan Ogoosto, waxaana isku dayaynaa inaan taageerno,” ayuu yiri Danjire Amr Aboulata

Sidoo kale, Bishii lasoo dhaafay Golaha Amaanka ee QM ayaa warbixin xaaladda Somalia la xiriirta ka dhageystay madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo ka qayb-galay fadhigii Golaha Ammaanka ee ka dhacay Magaalada New York.

Ugu dambeyntii, Golaha Ammaanka ee QM ayaa horay uga hor-yimid muddo kordhin loo sameeyo Dowladda Federaalka Somalia ee xilliga shaqeynaysa, iyagoo dhawr jeer ku cel-celiyay inay doorashadu ku dhacdo xilligii loogu talo-galay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya