4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 3 , 2016
Hoobiyeyaal xalay lagu weeraray Xerada Xalane oo talis u ah Ciidamada Midowga Afirka ee AMISOM


Talaado, May 03, 2016 (HOL) — Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa xalay Saqdii dhexe lagu weeraray xerada Xalane oo ku dhaggan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, halkaasoo u ah talis ciidamada Midowga Afrika ee Hawl-galka Somalia [AMISOM].

Shacabka ku nool degmada Degmada Wadajir iyo degmooyinka ku dhaw-dhaw ayaa xusay inay xalay maqleen illaa shan madfac oo hoobiye ah oo ku dhacay xerada Xalane, waxaana taliska AMISOM ay sheegeen inaysan jirin khasaare ay geysteen madaafiicdan.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Joseph Kibet oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in agagaarka Xalane ay kusoo dhaceen saddex madfac oo aan waxyeello geystan. Sidoo kale Kibet ayaa intaas ku daray inayhsan jirin khasaare ay geysteen.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay ma’suuliyadda weerarkan, ayaa haddana waxaa weerarro noocan oo kale ah oo Xalane lala bartilmaameedsaday sheegay Al-shabaab oo Dagaal kula jirta ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM.

Ugu dambeyn, Xerada Xalane oo ah taliska guud ee AMISOM ayay Al-shabaab ku qaaday weerar culus sannadihii 2009-kii iyo 2014-kii, kuwaasoo ay ku geeriyoodeen tiro ka mid ah ciidamada iyo saraakiisha AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya