4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2016
In ka badan 20,000 oo qof oo ku barakacay roobabkii KENYA ka da’ay

Talaado, Mey 03, 2016 (HOL)-Hay’adda laanqeyrta cas ee Kenya Red Cross ayaa ku dhawaaqday in tirada dadka ee ilaa iyo hadda ku barakacay roobabka ka da’ay qeybo ka mid ah dalka ay gaartay ugu yaraan 20,550 qof.

 

Degmada Kwale ayaa noqotay mida ay soo gaartay saameynta ugu badan ee ka dhalatay roobabka ma hiigaanka ah oo watay fatahaado xoog leh.

 

In ka badan 10,000 oo qof ayaa ku bara kacay Kwale oo kaliya, waxaana kusoo xiga Nairobi oo ay ku bara kaceen dad gaaraya 4,700 oo ruux.

 

Degmada kale ee saameynta ay ku yeesheen roobabkaasi socday maalmihii lasoo dhaafay ayaa kala ah Turkana oo ay ku waxyeeloobeen 1,872 qof iyo Marsabit oo ay ku waxyeeloobeen  1,866 qof.

 

Sidoo kale degmooyinka kala ah Garissa oo katirsan gobolka Soomaalida, Bungoma, Baringo, Embu iyo Murang’a ayaa lasoo tabiyay in ay ku bara kaceen isku darka 1,260 qof oo ay roobabka saameyn ku yeesheen.

 

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi
.