4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 2 , 2016
Kooxda Leicester oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League-ga ee Waddanka Britain


Isniin, May 02, 2016 (HOL) — Kooxda kubada cagta ee Leicester City ayaa ku guulaystay Horyaalka Ingiriiska ee Premier League-ga, Waana markii ugu horreysay Taariikhda oo ay kooxdan ku guuleysato horyaalka kooxaha heerka koowaad.

Guusha kooxda ayaa timid kaddib markii Kooxaha Chelsea iyo Tottenham ay Caawa dhex-martay cayaar adag oo kusoo dhammaatay ay barbaro 2-2 ah, waxaana tani ay u fudueysay Leicester City inay guulasato.

Sidoo kale, Kooxda Leicester City ayaa waxaa dib u soo noolaysay rajadii ay maalin ka hor ka qabtay inay koobka ku guuleysato, waxaana dabaal-dagyo guusha ay ka gaartay Kooxda Leicester sannadkan horyaalka Britain ay ka socdaan Britain.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya