4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 2 , 2016
Gabadh Soomaaliyeed oo isku Gubtay Jasiiradda Nauru oo Austalia ay ku hayso QOXOOTI badan


Isniin, May 02, 2016 (HOL) — Jasiiradda Nauru oo Bartamaha Bad-weynta Pacific-gga ku taalla, ayaa waxaa isku gubtay Gabar Soomaaliyeed. Waxaana Gabadhan la dhigay Isbitaal ku yaalla jasiiradaas, waxayna ka mid ahayd qoxooti ay xukuumadda Australia halkaas ku hayso, kaddib markii ay dalkeeda ku galeen dooomo sharci-darro ah.

Sidoo kale, Dhawaan ayaa sidan oo kale, waxaa Jasiiradda Nauru isugu guabay nin Iiraan u dhashay, kaasoo markii dambe u geeryiooday dhaawicii kasoo gaaray gubashadaas, kaasoo isna ka mid ahaa qoxootiga jasiiraddaas lagu hayo.

Mid ka mid ah Gabadhaha Soomaaliyeed ee qoxootiga ah ee lagu hayo jasiiradda Nauru oo lagu magacaabo, Sahra Maxamuud Xuseen oo la Hadashay VOA, ayaa sheegtay in Gabadh Soomaaliyeed oo 19-jir ah, laguna magacaabo Hodan Axmed Barre ay Dab is-qabadsiisay, kaddib markii laga soo celiyay Australia.

“Gabadha Soomaaliyeed ee is-gubtay, ayaa waxaa laga soo celiyay dalka Australia oo lagu hayay lix bilood ah, markii Jasiiradda Nauru la keenay ayaa waxay tiri geeri ayaan ka xigaa markaas ayayna dab isku daartay,” ayay tiri Sahro oo intaas ku daray in Gabadha ay Miyir-daboolan tahay laguna hayo isbitaal aan nadaafad lahayn, laakiinse loo dalbay Diyaarad, si dhaawaceeda dalka Australia loo geeyo.

Sahra, ayaa xustay in Gabadhan dabka is-qabadsiisay ay u maleynayaan in murugo iyo ciil lasoo daristay darteed ay isku gubtay, iyadoo sheegtay in gabadhaan uu horay dhaawac uga soo gaaray madaxa oo dalka Australia lagu soo daweynayay lix bilood.

“Jasiiradan waxaan ku suganahay muddo saddex sano ah, runtii dhibaato aad u badan ayaa nagu haysata. Aniga qudheyda Nafteydu khatar ayay ku jirtaa, dhawr jeer ayaana ku sigtay inaan is-dilo,” ayay hadalkeeda ku dartay Sahro oo sheegtay in loo diiday in Somalia lagu celiyo lagu yiri halkaan ayaad joogaysaan.

Dhanka kale, Sahra Maxamuud ayaa xustay inay illaa saddex qof oo Qoxootiga Jasiiradda Nauru lagu hayo ah ay sakiin liqeen oo loo qaaday dalka Australia si loogu soo daweeyo.

“Xukuumadda Australia qofkii dhimanaya diyaarad ayay ku qaadaysaa, balse qofka silcaya halkaan ayuu ku Silcayaa arrinteedu waa sidaas. Waxaanan ka baqaynaa haddii aan ka bixi lahayn in kiliyaha iyo beerka ay nagala baxaan,” ayay hadalkeeda raacisay Sahro.

Mar la weydiiyay tirada qoxootiga Soomaaliyeed ee loogu hayo Jasiirada Nauru iyo weliba dhibaatooyinka ku haysta, ayay Sahro Maxamuud sheegtay inay gaarayaan illaa 40 ruux oo Rag iyo Haween isugu jira oo ka yimid Soomaaliya.

“Waxaan Jasiiradan nagu haysta dhibaatooyin ay ka mid yihiin; Cunno la’aan, Biyo la’aan iyo inaanay jirin meel wax laga iibsado. Dadka jasiiradan ku noolna dhib badan ayay nagu hayaan, gaadiidka way na dar-darsiinayaan, Gabdhaha kufsi ayay u geysanayaan, cunnada laba bilood ayaad sugaysaa,” ayay mar kale tiri Sahro.

Ugu dambeyn, Sahro Xuseen ayaa sheegtay in Jasiiradda ay ku hayso Dowladda Australia oo aan siin Dhaqaale ku filan oo ay ku noolaan karaan, ayna ku jiraan Xeryo, loona diiday in Soomaaliya dib loogu celiyo.

Si kastaba ha ahaatee, Waxaa xusid mudan in Gabar Soomaaliyeed oo dhallinyaro ay loogu geystay Jasiiraddan kufsi, taasoo Kufsiga uur ku yeelatay, iyadoo arrintan ay buuq weyn ka dhalisay gudaha Xukuumadda Waddanka Ausutalia.

Ibrahim Omar Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
Melbourne, Australia