4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 2 , 2016
AFRAX: Waan soo Dhaweynayaa Shirka Dib-u-heshiisiinta ee Beledweyne ka Socda (SAWIRRO)

Isniin, May 02, 2016 (HOL) — Gudoomiyihii hore ee maamulka Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo dib ugu laabtay magaalada Beledweyne, ayaa warbaahinta u sheegay inuu soo dhaweynayo doorka Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Mar uu soo hadal-qaaday ujeeddada Socdaalkiisa ayuu yiri. "Waxaa jira warar la isla dhax-marayo oo la leeyahay C/fitaax wuxuu u socdaa xilka guddoomiyaha gobolka, waa waxba kama jiraan, arrimo kale oo intaa ka badan ayaa jirra, hormar ayaan hiigsaneynaa, waxaan rabnaa in aysan dhalinteena naga tahriibin, laakiin wax walba maalmaha soo socda ayeey kala cadaan doonaan'' ayuu yiri C/fitaax Xassan Afrax.

Mar uu soo hadal qaaday Shirka dib-u-hishiisiinta ee degmada Beledweyne ka socda ayuu sheegay in Somalia ka dhaceen Dagaallo sokeeye sidaas daraadeed mar walba loo baahan yahay dib-u-hishiisiin iyo in ay bulshadu wadda-hadasho, isaga oo u rajeeyay shirka guul.

Sidoo kale, wuxuu booqday Hoteelka uu ka degan yahay magaalada Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ay halkaa isku arkeen, laakiin ma jirin wax wada-hadal ah oo dhax-maray.

Dhab ahaan, lama oga ujeeddada Socdaalka C/fitaax Xasan Afrax oo labadii cisho ee lasoo dhaafay si weyn looga hadal-yahay Baladweyne, waxaana socdaalkiisa uu kusoo beegmay xili is-mari-waa- siyaasadeed uu wali ka taagan yahay Dhismaha Maamulka labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya