4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 2 , 2016
Ardayda Jaamacada Muqdisho oo Guul ka gaaray Tartankii IUSARC ee Qubrus ka dhacay (Sawiro)

Isniin, May 02, 2016 (HOL) — Arday ka tirsan kuwa wax ka barta Jaamacadda Muqdisho ayaa ka qayb-galay tababar iyo tartan la xiriira ka Hor-tagga iyo maareynta Musiibooyinka. Tababarka ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay golaha ururka Jaamacadaha dunida u qaabilsan Baaritaanka iyo Samata-bixinta Musiibooyinka ee (International Universities of Search and Rescue) oo xubin ay ka tahay Jaamacadda Muqdisho.

Ururkan ayaa waxaa ku mideysan Jaamacado ku kala yaalla Qaaradaha Adduunka oo dhan; Sida Afrika, Aasiya, Ameerika, Yurub iyo Australiya. Waxaana Tartankaan uu ka dhacay Jasiiradda Qubrus.

Sidoo kale, Ardayda Jaamacadda Muqdisho ayaa ahaa kuwii ugu Sarreeyay ee uga Qayb-gala Afrika sanadkan tartanka iyo tababarkaba. Waxay kasoo hooyeen guul lama illaawaan ah, iyagoo kasbaday taageero sare, korna u qaaday magaca Afrika, Somalia iyo weliba kan Jaamacadda Muqdisho.

Arrintan ayaa tusaale wanaagsan u ah sida firfircoon ee Jaamacadda Muqdisho ugu taagan tahay teyeynta waxbarashada iyo adeegyada bulshada si ardaydeedu ay ula jaan-qaadaan asaaggooda caalamka wax ka barta.

Macallin Maxamuud Sh. Cali oo ah madaxa Arrimaha Ardayda ee Jaamacadda Muqdisho ayaa u Hambalyeeyay ardaydaan kasoo faa’iidaysatay Tartankaan guushana kasoo hoyay. Isagoo sheegay in ardayda tartanka ka qayb-gashay ee Jaamacada muqdisho ay matalayeen Afrika, Carabta, iyo Somalia, isgaoo u mahadceliyay Hogaanka Socdaalka iyo Jinisiyadaha Soomaaliya oo ardayda Jaamacada Muqdisho aaminaad ballaaran siiyay, maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Dhanka kale, Waxaa isna halkaa ka hadlay taliyaha socdaalka & Jinsiyadaha Somalia, Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud oo u mahad-celiyay ardayda Jaamacada Muqdisho oo uu ku Amaanay sida Waddaniyada leh ee ay ugu soo dhalaaleen inay Waddankooda dib ugu soo laabtaan markay soo dhamaystaan Tartaankaas.

“Markii ay ardaydan dhoofayeen waxaan wal-walsanaa inaysan soo laabanayan; Laakiinse maanta waxay ardayda Jaamacada Muqdisho nagu abuureen kalsooni aad u sarreysa,” ayuu yiri Jen. C/llaahi Gaafoow oo intaas ku daray. “Anigoo ka duulaya kalsoonidaas ay nagu abuureen ardayda Jaamacadda Muqdisho waxaan halkaan ka ballan-qaadayaa inaan 10-ka arday ee ugu horreysa ardayda Jaamacadda Muqdisho siin doono 10 baasaboor oo lacag la’aan ah.

Jen. C/llaahi Gaafoow ayaa intaas ku daray in Ardayda Jaamacadda Muqdisho ay kusoo dhawaynaynaa inay cilmi-baaris ama buugaagtooda qalin-jabinta kaga sameeyaan waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Jaamacadda Muqdisho waxay ammaan iyo bogaadin u jeedineysaa ardaydii ka qayb-gashay Tababarkan iyo Tartankaan heerka caalami ah waxayna ugu hambalyeysay ugu hambalyeyneysaa guusha wax ku oolka ah ee ay kasoo hooyeen.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya