4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 2 , 2016
MAREYKANKA: Qayb weyn oo Al-Qaeda ka mid ah ayaanu Burburinnay kaddib Dilkii Bin Laden


Isniin, May 02, 2016 (HOL) — Xukuumadda Washington ayaa sheegtay inay bur-burisay qayb weyn oo ka mid ah Ururka Al-Qaacida, kaddib shan sano oo kasoo wareegtay dilkii hoggaamiyihii Al-Qaacida Sh. Osama Bin Laden.

Agaasimaha Hay’adda CIA-da Mareykanka. John Brennan ayaa sheegay in Sh. Bin Laden uu Al-Qaacida u ahaa muhiimad weyn, calaamad iyo istaartiijiyad, taasna ay keentay inay meesha ka saaraan oo ay dilaan.

“Waxaa burburinay qayb weyn oo ka mid ah Al-Qaacida, Sh. Bin Laden-na wuxuu u ahaa Al-Qaacida muhiim, wuxuu ahaa ninkii ka dambeeyay Weerarradii 9/11, taasoo ahayd tan keentay inaan meesha ka saarno Bin Laden,” ayuu yiri Brennan.

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa xusay in haddii ay dili lahaayeen hogaamiyaha ISIS/Daacish ay noqon lahayd mid raad ku reebta kooxdaas oo haatan gacanta ku haysa Dhul ballaaran oo ku yaala Waddamada Ciraaq iyo Suuriya.

John Brennan ayaa intaa ku daray inay isha ku hayaan Hogaamiyaha Kooxda Daacish, isla markaana ay dadaal weyn u galayaan sidii ay ku qaarijin lahaayeen. Isagoo xusay in haddii ay dilaan uu dhib weyn ka hari lahaa dunida oo dhan.

Maalintii koowaad ee May, 2011-kii ayay ahayd ahayd markii ciidammada Mareykanka ay Osama Bin Laden ku dileen guri uu kaga sugnaa Magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, waxaana bedelay Ayman Al-Zawahiri oo haatan Hoggaamiya kooxdan.

Ugu dambeyntii, Dilkii Hoggaamiyihii Al-Qaacida Sh. Osama Bin Laden ayaa waxaa soo baxday Kooxda Khilaafiga Islaamiga isku magacowday ee Daacish, Waxayna ka taliyaan haatan qaybo ka mid ah dalalka Suuriya iyo Ciraaq, inkastoo ay Caalamka  intiisa kalena kusii baahayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya