4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 2 , 2016
Dib u dhac ku yimid Kulan Maanta Su’aalo lagu weydiin lahaa Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya


Isniin, May 02 , 2016 (HOL) — Kaddib markii Baarlamaanka Soomaaliya maalin ka hor loo Qaybiyay heshiiskii laga soo saaray Madashii Wada-tashiga Qaranka ee Doorashada kaasoo ku saleysan habka ay noqoneyso doorashada qaran ee dalka ka dhici doonto iyo qaabka ay u dhacayso ayaa lagu balan sanaa in ay xildhibaanadda soo aqrinayaan ka dibna su’aalo laga weydiiyo RW Soomaaliya si loogu badalo hishiiskaasi sharciga hagi doono masiirka Qaranka.

Maanta oo Isniin ah waxaa lagu waday in Baarlamaanka Soomaaliya uu hor tago Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke si wax looga weydiiyo Hanaanka Doorashada ee Sanadkaan.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xaqjiiyiyay in Ra’iisul Wasaare Sharmaarke oo la filayay in maanta Baarlamanaka uu kala qeyb galo Kulankooda uu ka baaqsaday Kulanka.

Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa intaa ku daray in Sababta uu u baaqday ay tahay Fasax ku aadan Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo Shalay ku beegneyd Balse Mudo Labo Maalin ah la Fasaxay Shaqaalaha Dowladda .

Ra’iisul Wasaare Sharmaarke ayaa Sabtidii la soo dhaafay Baarlamaanka hor geeyay Heshiiskii Dowladda iyo Maamul Goboleedyada ay ku gaareen Muqdisho ee la isku raacay Nuuca Doorasho ee Sanadkaan,

Ugu dambeyn,waxaa laga war-sugayaa waxyaabaha ay xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya ka yeelaan hishiiska loo soo gudbiyay si uu u noqdo sharci qaranka lagu hago si ay u dhacdo nooc doorasho ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya