4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 2 , 2016
Ku dhawaad 20 qof oo ku dhimatay roobab ka da’ay KENYA

Isniin, Mey 02, 2016 (HOL)-Waxaa isasoo taraya qasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashay roobab ma hiigaan ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’ay qeybo kala duwan oo ka mid ah dalka Kenya.

 

Tirada dhimashada ayaa sare u dhaaftay 18 ruux, halka hanti fara bandanna lasoo tabiyay in ay ku burburtay roobabkaas.

 

Inta badan dadkaasi ayaa ku dhintay xaafado ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

 

Meelaha kale ee ay saameynta ku yeesheen roobabka ayaa waxaa ka mid ah Degaanada degmada Mandera.

 

Dadka xoolo dhaqatada ah ee ku sugan deegaanka Aresa ee Mandera ayaa cabasho xooggan ka muujiyay dhibaatooyinka ka dhashay roobabkii xoogganaa ee ka da’ay aaggaa.

 

Dhanka kale, waxaa lagu soo waramayaa in gawaari badan oo xamuul usiday magaalada Mandera ay ku xanniban yihiin meel u dhow magaalada Madogashe oo u dhow Garisa.  Daad ayaa la sheegay inay la socon la'yihiin gawaaridaa oo sidoo kale ay kujiraan basas rakaab ay saaran yihiin.

Mid ka mid ah gawaarida ayaa la sheegay in buundo Madogashe u dhow ay la go'day dabadeedna uu tog biyo wada ku dhacay. Qaar ka mid ah dadka kunool Madogashe ayaa la sheegay inay usoo gurmadeen oo dhowr qof ay ka badbaadiyeen dhibaatadaa.

Gawaari badan oo jidad kale mari jiray sida jidka 5ta Abaq ayaa usoo leexday waddadaa marta Madogashe kadib markii roobabka oo aad usaameeyay jidadkii kale dartood ay door bideen wadadaa Madogashe.

Gawaari badan oo dad iyo xamuul usida Mandera, Wajeer iyo Moyale ayaa haatan ku xanniban meel u dhow Madogashe.

Badi jidadka gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaan ahayn laami sidaa daraadeedna xirma markastoo roobab noocaan ah oo mahiigaan ah ay hooraan.

 

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi, Kenya.