4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 2 , 2016
MADAXWEYNE XASAN: Wasiirradu Ha Dhisaan Wasaaradahooda intii ay Gawaari Qaali ah ku...


Isniin, May 02, 2016 (HOL) — Markii ay meesha ka baxday Dowladdii dhexe ee Ciidanka Waxaa guud ahaan burburay hey’adihii Dowladda sida Wasaaradihii uu waddanka lahaa, ma aysan suurta galin in ay dhismaan mudadii dowlad la’aanta la ahaa, laakiinse markii uu dalka helay dowladdo kumeel gaar ah iyo dowladan federaalka Somalia ay lagu dhiirtay in dib boorka looga jafo wasaaradihii dalka uu lahaa sida in lagu shaqeeyo ama dib u dhis iyo dayactir lagu sameeyo.

Wasaarado dhowr ah oo ay ka mid yihiin Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta Sare Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta , Wasaarada Gaashaan Dhiga, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka iyo kuwa kale oo ay dowladda soomaaliya ku shaqeyo ayaa dib u dhis iyo dayactir helay.taasi badalkeeda waxaa jiro wasaarado dhowr ah oo burbursan waxa ayna wasaaradahaasi ku shaqeeyaan meelo kale ama wasaarado ayay ku dhex shaqeeyaan.

Wasaaradaha Caafimaadka iyo Haweenka ayaa ka mid ah wasaaradaha ku dhex shaqeeyo wasaaradaha kale xarumahooda is wasiirada wasaaradaha burbursan ay ugu yaraan ay dalka iyo dadka wax ugu kor dhiyaan, Madaxweynaha Jamuuriyada federaalka soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wasiirada xukuumadda soomaaliya u jeediyay in dhisaan wasaaradaha kuwooda burbursan ,halkii ay ku horumari lahaayeen wasaarada oo baa’basan gawaari qaali ah oo 100-kun oo Doollar lagu soo iibiyay waa sida uu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Muhiimad weyn ayaa wadanka & dadka Soomaaliyeed ugu jirta in la dhiso hay'daha dowladda Somalia gaar ahaan wasaaradaha oo qabta shaqooyinka golaha fulinta, wasiirada maamula wasaaradaha ayay u wanaagsan tahay in ay ka tagaan taariikh fiican, waa hal fikir wanaagsan in wasiir kasta uu xooga u saaro sida uu wasaaradiisa u dayar tiri lahaa si soomaaliya ay uga kacdo halkii ay ku dhacday rubac qarni ka hore.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya