4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 2 , 2016
SAWIRO: Guddoomiyaha Baarlamanka Jabuuti oo la kulmay Xildhibaanada Baarlamanka Afrika

Isniin, May 02, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamanka dalka Jabuuti, Maxamed Cali Xaamud oo booqosho ku jooga dalka Koonfur Afrika laguna wado inuu khudbo ka jeediyo furitaanka shirka Baarlamaannada Afrika, ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baaralaamada Afrika, gaar ahaan kuwa Bariga Afrika.

Kulankan oo ahaa mid uu guddoomiyuhu ku casuumay Xildhibaanada Bariga Afrika ee ku jira Baarlamaanka Afrika ee Pan-African, ayaa ugu horreyn waxaa daah-furay xildhibaan Cabdi Xukun oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Afrika.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay kulankaan casuumaadda ah ee uu gusdoomiyuhu u fidiyay xildhibaannada dalalka Bariga Afrika uu yahay mid is-barasho ah, mudanayaashuna ay soo dhaweeyeen gudoomiyaha, iyadoo gudi goboleedka Bariga Afrika ee Pan African uu yahay mid ka mideysan dhinac walba.

Sidoo kale, kulanka ay inta badan joogeen xubnaha baarlamaanada dalalka la isku yiraahdo Bariga Afrika ee xubnaha ka ah Baarlamaanka Afrika, ayaa waxaa joogay xubno iyagu ku cusub ka mid noqoshada Pan African iyo xubno lagu Sagootinayay kulankaan, kuwaas oo xildhibaannimadii ka heli waayay wadamadooda oo aan dib ugu soo noqoneyn Pan African Parliament.

Ugu dambeyn, Afhayeenka Baarlamaanka Jabuuti, Maxamed Cali Xaamud ayaa u rajeeyay guud ahaan xildhibaanada baarlamanka Afrika inay ka dhabeeyaan inay Afrika gaarsiiyaan hal cod iyo hal Afrika, taasoo ah Hal-ku-dhigga Baarlamaanka Afrika.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Hiiraan Online, Koonfur Afrika