4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 2 , 2016
SAWIRRO: Warbixin ku saabsan barnaamijka “U Is-taag Soomaaliya” oo lagu qabtay Minneapolis

Isniin, May 02, 2016 (HOL) — Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota waxaa xalay lagu qabtay kulan lagu soo dhaweynayay Barnaamij la magaca baxay “U Istaag Soomaaliya” kaas oo uu soo bandhigay wasiirkii hore ee waxbarashada dowladda Soomaaliya Dr. C/nuur Sheekh Maxamed.

“Waxay u egtahay inaan dalkeenna kor-joogto ka nahay, waayo waxaa faragalin xoog leh nagu haya dowladdo shisheeyee, sidaa darteed waxaan go’aansanay inaan raadinno codka Soomaalinimada iyo midnimada, si dalkeenna aan dib ugu soo celino barwaaqo iyo deganaanshihiisii” ayuu yiri Dr. C/nuur.

“Somalia waa noqon kartaa dowlad xoog leh haddii la helo dad Soomaaliyeed oo u Dhaq-dhaqaaqa, kuwaasoo leh aragti iyo karti, ma dhici karto inaan fiirsanno dalkeena oo galaya marxad khatar ah oo sabababi karta in sanado yar kaddib la waayo magaca iyo calanka Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay Dr. C/nuur Sheekh Maxamed.

Dr. Cabdinuur, wuxuu sheegay in caqabadaha hor-taagan Dowladnimada ay ka mid yihiin Qabyaalada, Musuq-maasuqa iyo qorsheyaal ay soo dejiyeen dowlado ajinabi ah, wuxuuna sheegay in haddii sidaa lagu sii socdo la arki doono madaxweyne Ajnabi ah oo dalka xuma sidii dalka Yemen oo kale.

“Shacabka iyo Dowladdu waa kala Maqan yihiin, maamul Goboleedyadu waa isku qasan yihiin, nimaadka & dastuurkana waa la dhinac maray, hogaanka dalkana laguma mideysna, sidaa daraadeed waxaa waajib nagu ah inana dalkeenna iyo dadkeena aan u istaagno” ayuu yiri Dr. C/nuur.

“Gacan hoorsiga, Tahriibka iyo dhibaatooyinka na heysta oo idil waxaan uga baixi karnaa inaan helo dowlad xoog leh oo ciidan xoog leh iyo shacan cod leh heysta, waana taas mida aan u billownay Wacyi-gelintaan, kamana hareyno ilaa aan umadda isku keenno” ayuu sii sharraxay Dr. C/nuur.

Ugu dambeyntii, Dr. C/nuur Sheekh Maxamed wuxuu dhaleeceeyay Siyaasadda ku aaddan gobolka Banaadir wuxuunaya yiri “Ma dhici karto in xaqooda siyaasadeed la duudsiiyo 2.5 Million (Laba Milyan iyo bar) qofood oo ku nool Gobolka Banaadir, waa in ay Qaybtooda ka helaan laba aqal, qofkasta oo Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah inuu ka hadlo meeshii uu caddaad darro ka arko, waxaan u sheegayaa 5-ta nin oo  Taladii dalka la Wareegay inay Arrinkaas dib u eegaan oo Maqaamka Muqdisho iyo Banaadir aan meel Cidlo ah laga soo qaadin”

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota