4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 2 , 2016
Ciidammo ka socda Britain oo Muqdisho soo gaaray si ay qayb uga qaataan Hawl-gallada AMISOM


Isniin, May 02, 2016 (HOL) — Ciidammo hordhac ah oo ka socday Dalka Birtain ayaa la sheegay in la geeyay Soomaaliya, waxaana ciidamadan ay taageeri doona ciidamada hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM].

Xukuumadda Britain ayaa sheegtay inay illaa 10-Askari oo ciidamadeeda gaarka ah ka mid ah ay gaareen Magaalada Muqdisho ee Xarunta Somalia, kuwaas oo hordhac u ah illaa 70-Askari oo ay dowladda Britain kal hore sheegtay inay u dirayso Soomaaliya.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa la sheegay in ay AMISOM ka Caawin doonaan Caafimaadka iyo saanadda milateriga ee loo baahan yahay, si hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya uu u noqdo mid guuleysta.

Xoghayaha difaaca Britain, Michael Fallon ayaa sheegaya in ciidamada Britain ka socda ay ka caawin doonaan howgalka Soomaaliya, sidoo kalena ay gacan weyn ka geysan doonaan xasilloonida Somalia iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo kooxaha kale ee xag-jirka ah.

Dhanka kale, mar uu Fallon ka hadlay in ciidamadan ay ku lug yeelanayaan dagaal iyo in kale, ayaa wuxuu sheegay inay geli doonaan dagaal haddii loo baahdo, si ay uga hortagaan wuxuu ugu yeeray kooxaha xagjiriinta ah ee mayalka adag.

Soomaaliya ayaa waxaa ka hawl-gala Ciidammo ka socda Dalal Afirkaan ah oo ay ka mid yihiin kuwa Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti oo daris la ah Soomaaliya, waxayna ka taageeraan dowladda Somalia dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa sannado Dagaal kula jirtay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda FS, si ay isugu daydo inay xukunka ka tuurto dowladda itaalka aan lahayn ee Soomaaliya ee uu caalamku taageero.

Ugu dambeyntii, Dowladda Britain ayaa waxay bishii September ee sannadkii 2015-kii ku dhawaaqday inay 70 Askari oo gaar ah u dirayso Somalia si ay gacan u geystaan Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo kooxaha ee dagaallada wada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya