4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2016
AMISOM iyo QM oo Maamulka Gobolka Hiiraan kala Hadlay Adkeynta Amniga Guud (SAWIRRO)

Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Wafdi ka socday Qaybta Millateriga iyo Rayidka ee Hawl-galka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] iyo Hay’adda UNOCHA ee Qaramada Midoobay oo doraad safar ku tagay Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa Maamulka Gobolkaas kala hadlay xoojinta wada-shaqeynta shacabka iyo ciidamada si loo adkeeyo ammaanka iyo kalsoonida shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee maamulka Gobolka Hiiraan, Maxamed Ibraahim C/lle, ayaa Warbaahinta u sheegay in Wafdigan ay kala hadleen sidii loo Dar-dar-gelin lahaa Mashaariic Wax-tar leh oo laga Hir-gelinayo Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka ayaa xusay in Shacabku ay yihiin kuwa Gaarka ah ee ugu muhiimsan Xoojinta Amaanka, isagoo intaas ku daray in haddii iskaashi uu dhex-maro ciidamada iyo shacabka la adkeyn karo Ammaanka Guud ee Gobolka.

“Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan Waxay kala hadleen Wufuudda AMISOM iyo UNOCHA ka socday, sidii loo xoojin lahaa iskaashi dhexmara shacabka Gobolkan ku nool iyo ciidamada millateriga, Wuxuuna Kulanku kusoo dhamaaday kulanku si guul ah,” ayuu yiri Maxamed Ibraahim C/lle.

Dhanka kale, Madaxa Bani’aadamnimada Hawl-galka AMISOM, Abdul Diabagate oo isna hadlay ayaa sheegay in iskaashiga u dhexeeya AMISOM, UNOCHA, Ciidamada Somalia ee Millateriga iyo Booliiska iyo Maamulka Gobolka Hiiraan uu si weyn u soo hagaagayo.

“Waxaanu Magaalada Baladweyne u nimid sidii aan u ogaan lahayn in ciidamada ku sugan Gobolka ay awood ugu leeyihiin inay is-kaashi la sameeyaan Bulshada iyo in la fududeeyo wada-shaqeynta u dhexeysa,” ayuu yiri Abdul Diabagate.

Ugu dambeyntii, Kulanka ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa; ku xigeenka Mas'uulka Guud ee Unugga Millateriga iyo Rayidka ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM, Col. Nestor Ndarusanze, La-taliyaha dhinaca difaaca Carruurta AMISOM, Mussa Gaabow, Saraakiil ka tirsan Xafiiska UN-OCHA ee Soomaaliya, Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan iyo daneeyayaal kale.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya