4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 13, 2016
Puntland oo Guddoonka Baarlamaanka FS ku eedeysay inay Diiddan yihiin Heshiiskii Garoowe

Jimco, May 13, 2016 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Somalia iyo xildhibaanno ay Caqabad ku yihiin Anisxinta iyo Meel-marinta heshiisyadii ay Garoowe ku kala saxiixdeen Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Puntland ayaa sheegtay inaan wax laga bedeli karin Heshiiskii Garowe ee Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku Andacoonaysa in lagu jiro xilli kala guur ah.

Sidoo kale, Maamulka Puntland ayaa eedeyn dusha uga tuuray guddoonka sare ee BFS oo ay War-saxaafadeedkeeeda ku sheegtay inuu Maja-xaabinayo Hannaanka Doorashooyinka la rabo inay Somalia ka dhacan dhamaadka Sannadkaan.

Haddaba AKHRISO War-saxaafadeedka Puntland ee lagu eedeeyay Gudoonka BFS;

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo-Soomaaliya