4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 12, 2016
Mid ka Mid ah Beeraha Waaweyn ee Boorama oo loogu magac-daray Magaalada Henley ee Britain


Khamiis, May 12, 2016 (HOL) — Magaalooyinka Henley iyo Boorama Waa labo Magaalo oo Mataano ah, oo ku kala yaalla Qaaradaha Yurub iyo Afrika, Labadaan Magaalo ayaa ah kuwo Xiriirkoodu soo jiitamayay muddo sannado ah taasoo ay odayaashii hore ee Gobolka Awdal ay bilaabeen.

Sidoo kale, labadan magaalo ee Henlay iyo Boorama ayaa wadaaga waxyaabo kala duwan oo ay ka mid yihiin; dhaqanka iyo arrimo kale oo ay is-dhaafsadaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in mid ka mid ah waddooyinka Bartamaha Magaalada Henlay loogu magac-daray ‘Boorama’.

Haddaba, Guddoomiyaha degmad Boorama oo ay wehlinayaan qurbo-joog Gobolka Awdal kasoo jeeeda, isla markaana degen magaalada Henlay ee Britain ay Maanta kormeerro kala duwan kusoo bixiyeen goobo kala duwan oo ku yaalla Borama, Qaar ka mid ah Goobahaas ayaa la sugay boorar lasoo xardhay, kuwaasi  oo ay ku qoranaayeen ereyo labadan magaalo lagu mataanaynayo iyo Xiriirkooda soo jireenka ah.

Maayarka Boorama, Maxamed Xuseen May-dhane ayaa Warbaahinta u sheegay in mid ka mid ah beeraha waawayn ee ku yaalla galbeedka magaalada Boorama loogu magic-daray magaalada ay mataanaha yihiin Boorama ee Henlay, iyadoo Beertaasi markii hore loogu magac-daray Eebbe u raxmadee Ibraahim Magan Nuur oo ka mid ahaa dadkii beertaas beeray muddo fog.

“Beertan aad arkaysaan waxaa horay loo oran jiray Ibraahim Magan oo ahaa ruuxii beertan beeray markeedii hore, inagoo maanta ugu magac-darnay ‘’HENLEY PARK’’ Henley waa Magaaladii aan Xiriirka mataanaha ah la lahayn, Xidhiidh soo jireen ah ayaa ka dhexeeyay Boorama iyo Henley, xiriirkii aabayaasheen dhigeen ayaan maanta doonaynaa inaan salka u dhigno,” ayuu yiri Duqa Boorame, Maxamed Maydhane.

Sikasta ha ahaatee, Waxaa jira Jira magaalooyin badan oo Somalia ku yaalla, isla markaana mataano la ah magaalooyinka kale oo ku yaalla Yurub, waxaana tan ay tahay Xidhiidhyada ka dhexeeya bulshada kala duwan - Maadaama Soomaaliya ay gumeysan jireen Talyaaniga iyo Ingriiska.

Nuux Kadiye, Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Boorame, Somaliland