4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 12, 2016
SAWIRRO: Yoweri Kaguta Museveni oo Maanta Markii 5-aad loo la dhaariyay Hogaanka Uganda

Khamiis, May 12, 2016 (HOL) — Madaxweyne Xasan Sheekh Max'uud, ayaa maanta kala Qayb-galay Madaxda Caalamka Munaasabada Caleemmo-saarka Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni oo markii shanaad loo dhaariyay maanta xilka madaxweynenimo ee Waddanka Uganda.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Mas'uuliyiinta iyo shacabka Uganda ay wax walba u hureen sidii Soomaaliya ay uga soo kabsan lahayd musiibadii dagaalladii sokeeye & dagaalka lagu cirib-tirayo Argagixisada, Sidaas Awgeedna Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed ay farxada Caleemo-saarka Madaxweyne Museveni iyo shacabkiisa la qayb-sanayaan.

Waddanka Uganda ayaa tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii 1986-kii waxaa Hoggaaminayay Madaxweyne Yoweri K. Museveni iyo Xisbigiisa (National Resistance Movement) -NRM, Iyadoo bishii Feberaayo ee Sannadkan 2016-ka markii 5-aad loo doortay Xilka madaxnimo ee dalkiisa.

Xaflada caleema-saarka Museveni oo ka dhacday fagaaraha Kololo ee bartamaha Kampala, ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa’ Cumar Xasan Madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir, Madaxweynaha Chad, isla marakana ah gudoomiyaha Sanadkan ee Ururka Midowga Afrika, Idriss Déby Itno, Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma, Madaxweynaha Zimbabwe, Robert Mugabe, RW Itoobiya, Haile-mariam Desalegn, Madaxweynaha Tanzania, John Pombe Magufuli, Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyeyaal kale oo Afrika iyo Caalamka kaleba ka socday.

Dhaarinta Museveni ayaa imaanaysa iyadoo maanta ay Ciidamada Amaanka dalka Uganda ay xabsiga u taxaabeen hoggaamiyaha mucaaradka dalka Uganda, Kizze Basigye, inkastoo aysan weli xukuumaddu si rasmi ah uga hadlin sababta loo xiray Hogaamiyahan mucaarad.

Ugu dambeyn, Musaasabada ayaa waxaa khudbad ku aaddan horumarka Dalka Uganda iyo doorka u dalkaasi ku leeyahay Qaaradda Afrika ka jeediyay Madaxweynaha lagu dhaariyay Xafladdaas Yoweri Museveni, iyadoo Ciidamada kala duwan ee Uganda ay halkaasi kusoo bandhigeen dhoolla-tus lagu maamusayo caleemo-saarka.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya