4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 12, 2016
Shir uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ka Qayb-galay oo ka Dhacay Muqdisho (Sawirro)

Khamiis, May 12, 2016 (HOL) — Kulan ay ka qayb-galeen taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia, Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamul-goboleedka Galmudug, Cali Gacal Casir, Wasiiro iyo Xildhibaanno Galmudug ka tirsan, Nabadoon Max'ed Xasan Xaad, Ganacsato iyo Xubno kale ayaa Maanta lagu qabtay Muqdisho.

Intuu Kulanku socday, ayaa la isla-gartay in lagama maarmaan ay tahay in Deegaannada ay hadda Dhibaatooyinku ka taagan yihiin sida; Degmada Ceelbuur iyo Gal-hareeri si Dhaqso ah wax looga qabto, iyadoo la sheegay in lagu wax looga qaban karo midnimo, Wadajir iyo in mas’uuliyiinta siyaasada ku metela dadka deegaannadaas ay garaawsadan in bulshada ay metelaan horumarkooda ka qeyb qaataan.

“Haddii aan nahay mas’uuliyiinta matala shacabka ku nool deegaannada ay dhibaatooyinku ka taagan yihiin, waxaan u taagan-nahay inaan horumarino deegaannadaas, cid kastoo nagu Taageertana il wanaagsan ayaan ku eegi doonnaa; Ciddii nagu Hag-ratana ma soo dhaweyn doono oo meesha ay maanta naga is-taagto ayaan ka is-taagi doonaa,” ayuu ku hadal uu ka jeediyay kulanka Gudmoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Sidoo kale, Wasiir-u-dowlaha Wasaarada Arrimaha Dibadda Somalia Prof. Maxamed Nuur Gacal ayaa markii uu Kulanku soo dhammaaday, wuxuu warbaahinta u sheegay in kulanku uu ku dhamaaday Guul, Dhawaanna Kulamo kale oo looga Arrinsan doono Deegaannadaas iyo Horumarkooda la qaban doono, isagoo Afka ku dhuftay in xilligaan ay tahay xilligii cid waliba ay is-xisaabin lahayd; maadaama lagu jiro xilli kala guur ah, siyaasadda dalkana cid waliba saamiga ay ku leedahay ay ku aamini lahayd shaqsiyaad kasoo bixi kara hawsha loo ig-maday.

Ugu dambeyn, Kulankan ayaa ahaa mid Daba-socday kulammo kale oo horay loogu qabtay Muqdisho, kuwaasoo mid ka mid ah looga hadlay Saamiga Haweenku Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Siyaasadda, Waxaana lagu Dalbaday in Haweenka Saamigooda xaqa ah laga siiyo Hay'adaha Dowladda Cusub ee daba-yaaqada Sannadkaan 2016-ka lasoo dhisi doono.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya