4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 12, 2016
Golaha Wasiirada DF oo Guddi Gaar ah u Saaray Go’aanka ay Kenya ku xirayso Xeryaha Qaxootiga

Khamiis, May 12, 2016 (HOL) — Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, ayaa kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen uga hadlay qodobo ay ka mid yihiin hawlgalada ciidanka xoogga Soomaaliya ay ka fulinayaan deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellada Hoose iyo Galgaduud, go’aanka xukuumadda Kenya ay ku sheegtay inay Xirayso Xeryaha Qaxootiga iyo kuwo kale.

Wasaarada Difaaca Somalia, ayaa golaha faahfaahin ka siisay hawl-galadii ugu dambeeyay ee ciidamada Soomaaliya ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Gobollada Shabeellada Hoose iyo Galgaduud, Hawl-galladaas oo isugu jiray kuwo gaar ah oo ay Fulinayaan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta Danab, iyadoo si gaar ah ay Wasaaraddu u Xustay in ay Ciidanka Danab ku beegsadeen Saldhigyo la ogaaday in ay leedahay Al-shabaab, lana bur-buriyay.

Sidoo kale, Wasiirrada ayaa ka dooday Sharciga la Dagaallanka Musuq- maasuqa, kaasoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaalada Somalia,, Waxaana Dood-dheer kaddib, goluhu Ansixiyeen Hindise Sharciyeedka la dagaallanka Musuq-maasuqa.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale, looga hadlay go’aanka dowladda Kenya ay ku xirayso xeryaha qaxootiga Dhadhaab & Kaakumo, waxaana loo xil-saaray guddi ka kooban Wasaaradaha Arrimaha gudaha, Arrimaha dibadda, Qorsheynta & Warfaafinta oo Baaq ku Wajahan Dowladda Kenya soo diyaarin doona.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada Xukuumaddda Somalia - ayaa cod u qaaday in Wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta, Guuleed Xuseen Qaasim loo magacaabo Safiir, waxaana wasiirradu ay ku ogolaadeen arrintaas cod-aqlabiyad ah.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya