4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 12, 2016
Maamulka Balad-xaawo oo sheegay in ay heleen Hub iyo Waxyaabaha Qarxa oo lagu Aasay Guri


Khamiis, May 12, 2016 (HOL) — Maamulka degmada Balad-xaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen hub iyo qaraxyo laga soo qabtay magaalada.

Laamaha Amniga Degmadaas ayaa tilmaamay inay Hawl-gal ay fuliyeen ay kusoo qabteen hub iyo walxaha qarxe oo lagu aasay qol dhexdiisa.

Guddoomiye ku-xigeenka degmadaas Bile Huufood Ibrahim oo la hadlay warbaahinta ayaa uga warramay howl-galkan ay fuliyeen iyo sida ay kusoo heleen hubkan & walxaha qarxa.

Sidoo kale, Guriga ayaa sida uu tilmaamay waxa iska leh nin horay uga tirsanaa al-Shabab kaas oo xabado ay isku fureen laba kamid ah ilaalada degmada oo sababtay isaga iyo mid ilaalada kamid ah inay dhaawacmaan.

Markaas kadib ayuu tilmaamay inay baaritaan ku sameeyeen -guntiina uu u sheegay in uu duleedka magaalada degan yahay: gurigiisana ay hub iyo walxaha qarxa ku duugan yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya