4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 12, 2016
Yoweri K. Museveni oo loo Dhaarinayo Markii Shanaad Xilka Madaxnimo ee Waddanka Uganda


Khamiis, May 12, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa waxaa maanta lagu wadaa in loo dhaariyo xafiiska shaqada markii 5-aad  iyada oo doorashadii bishii Feberaayo ee Sannadaan dalkaasi ka dhacday la sheegay inuu ku guuleystay 60% codadkii la dhiibtay.

Xafladda caleemo saarka ayaa waxaa lagu qabanaya garoon ay leeyihiin Ciidanka Cirka oo ku yaala dulleedka Magaalada Kampala, waxaana si wayn loo adkeeyay Ammaanka Guud ee Caasimadda Uganda.

Hoggaamiyeyaasha Gobolka iyo kuwa caalamka ayaa qaarkood ka Qayb-galaya Xafladda lagu caleemo saaraayo Madaxweynaha waxaana ka mid ah Mas'uuliyiinta ka Qayb-galaya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax-weynaha dalka Ruushka Vladimir Putin.

Dhanka kale, ciidamada dowladda Uganda ayaa waxay Arbacadi magaalada Kampala ku xireen hoggaamiyihii mucaaradka Kizza Besigye iyada oo uu sheegtay inuu yahay madax-weynaha xaqqa ah ee la doortay.

Madaxtooyada ayaa Kizza Besigye ku soo casuumtay inuu kasoo qayb-galo munaasabadda uu markii shanaad uu xafiiska shaqada kula wareegayo hoggaamiyaha Uganda wuxuuse u muuqdaa inaanu imaan doonin.

Ciidamada Uganda ayaa waxay maanta adkeeyeen ammaanka xarunta Uganda waxayna xireen wadooyinka waawayn. Dadka reer Uganda waxay maanta u tahay maalin fasax ah.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Kampala, ayaa xanibaado ku soo rogtay baraha ay bulshada ku wada xiriirto illaa iyo inta laga soo gaba-gabeynayo xafladda dhaarinta ee madaxweyne Yoweri Museveni.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya