4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 12, 2016
Ciidanka Dowladda iyo AMISOM oo Dagaal kula wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Sh/Hoose


Khamiis, May 12, 2016 (HOL) — Ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo Is-garabsanaya ayaa Al-shabaab kala wareegay maanta deeganno ay ka mid yihiin; Sabiid iyo Caanoole oo qiyaastii 10-km u jira degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Inkastoo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka, ayaa haddana waxaa la sheegayaa in weli ay dagaalladan oo saakay billowday socdaan, laakiinse illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalladan.

Dagaalka ayaa Saakay ka billowday deegaanka Mareereey oo ku dhow degmada Afgooye, wuxuuna ku fiday deegaanno kale, balse weli kama aysan hadlin dowladda, AMISOM iyo Al-shabaab dagaalka maanta ku dhexmaray dulleedka Afgooye.

Sidoo kale, Dadka deegannadaas ku sugan ayaa sheegaya in dagaalladani ay yihiin kuwo culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo. Shacabka ay ka barakaceen qaarkood deegaannadaas.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya