4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 12, 2016
Ganacsatada Dhadhaab oo Walaac ka muujiyay Go'aanka ay Kenya ku xirayso Xeryahaas


Khamiis, Mey 12, 2016 (HOL)-Ganacsato badan oo Soomaali ah oo kunool kana ganacsada xeryaha qaxootga ee Dhadhaab ayaa uu lasoo darsay walaac xooggan oo ay ka qabaan arinta kusaabsan xiritaanka xeryahaa ee ay dawlada Kenya ka dhawaajisay asbuucii lasoo dhaafay.

Ganacsato badan ayaa fursado ganacsi ka helay xeryaha Dhadhaab tan iyo markii la aasaasay horraantii sanadihii sagaashameeyadii. Ganacsiga xeryaha oo dad badan isla markaana ay kunool yihiin boqolaal kun oo qof ayaa aad u wanaagsan ayadoo dadku ay iibsadaan badeecooyin badan.

Dukaamo, maqaayado iyo ganacsiyo kale ayaa waxaa ay yihiin kuwo aad u camiran isla markaana faaiidooyin badan ganacstada heystaayi ay ka dhaliyaan.

Kasokow kaalmada qaxootiga Dhadhaab ay ka helaan hayadaha samafalka, in badan oo qaxootigaa ka tirsan ayaa eheladooda oo dibada jira waxay u soo diraan lacago fara badan lacagahaas oo aad camira ganacsiyada ku dhex yaala xeryahaas iyo ganacsiyada magaalada Dhadhaab qudheeda.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayaa dawlada Kenya waxay waqti cayiman oo ah bisha Nofeembar ee sanadkaan ay u qabatay xiritaanka xeyahaas ayadoo u meel dhigtay aduun lacageed oo dhan 1bilyan oo shilinka Kenya ah oo dib loogu celinaayo qaxootigaa Soomaaliya.

Guud ahaan Kenya waxaa kunool qaxooti dhan nus milyan oo Soomaali u badan.

Waxaase walaac weyn iyana ah in ayaan kadiba dawlada Kenya ay ka dhawaajiso  in qaxootigaa ay celineyso ayna xiri doonto xeryaha ay kunool yihiin arintaas oo wadna qabad kunoqota ganacsato badan gaar ahaan kuwa magaalada Dhadhaab oo ganacsiyadoodu ay aad ugu tiirsan yihiin qaxootiga.

Qore: Aaden M Warsame
[email protected]