4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 12, 2016
Dagaal u dhexeeya ciidanka Dowladda Somalia iyo Al-shabaab oo ka socda Dulleedka Afgooye


Khamiis, May 12, 2016 (HOL) — Dagaal culus oo u dhexeeya ciidanka dowladda Somalia iyo Xoogagga Al-shabaab ayaa xilligaan ka socda tuulooyin ku yaalla duuleedka Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu Qarxay markii ciidamada dowladda Somalia oo ay wehlinayeen kuwa AMISOM ay weerareen tuulooyinka oo ay Al-shabaab ka taliso, uuna dagaal culus illaa hadda socda uu ka billowday.

Sidoo kale, lama oga illaa hadda khasaaraha dagaalkan ka dhashay, balse Dadka ku nool tuulooyinkaas ayaa soo sheegaya in dagaalku uu yahay mid culus oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Al-shabaab ayaa tan iyo markii laga saaray degmada Afgooye oo 30-KM Koonfurta kaga beegan Muqdisho ay ku sugnaayeen deegaanno aan ka fogeyn degmadaas, iyadoo dhawr jeerna ay dagaallo ku dhexmaryeen ciidamada Dowladda FS iyo xoogagga Al-shabaab.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dagaalka waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya