4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 11, 2016
Ra’iisul Wasaaraha Hindiya oo Gobolka Kerala ee Dalkiisa ku Tilmaamay mid ka Liita Somalia


Arbaco, May 11, 2016 (HOL) — Ra'iisul Wasaaraha Dalka India, Narendra Modi ayaa is-bar-bar-dhig ku sameeyay gobolka Koonfurta India ku yaalla ee Kerala iyo Somalia, taasoo ka careysiisay siyaasiyiin iyo dadka adeegsada baraha bulshada.

Modi ayaa Axaddii ka sheegay isu soo bax olole doorasho in “heerka dhimashada carruurta qaar ka mid ah qabaa'ilka gobolka Kerala ay ka xun tahay tan Soomaaliya.”

Dadweynaha Adeegsada barta Twitter-ka, ayaa kaga jawaabay astaan ay sameysteen oo ah; #PoMoneModi, iyadoo Wasiirka koobaad ee Gobolkaas, Oommen Cahndy, uu sheegay in hadalka Modi uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn.

Shacabka ku nool Gobolka Kerala ayaa Codeyn doona 16-ka bishan May ee aynu ku jirno.

Xisbiga Modi ee Bharatiya Janata Party - BJP, ayaa isku dayayay inay Gobolkaas codad ka soo helaan, iyadoo sidii ay Caadadu ahayd ay xukumi jireen Congress-ka ama is-bahaysiga xisbiyada bidixda, balse hadalkiisa u dambeeyay ayaa u muuqda mid aan guuleysan.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka heerka ugu sareeya dunida kaga jira nafaqo-darrada iyo dhimashada carruurta, halka Gobolka Kerala uu dhimashada carruurta ugu yar yahay Dalka Hindiya.

Chandy, Wasiirka koobaad ee Gobolka Kerala ee Hindiya, ayaa Talaadadii warqad u qoray Mr Modi Modi, waxa uuna ka dalbaday inuu raaligelin ka bixiyo hadalkiisa.

"Waxaad sheegtay hadal aan xaqiiq aheyn adigoo Kerala barbardhigay Soomaaliya. Tani waa wax aan u wanaagsaneyn ra'iisul wasaare waxayna abuurtay dhib badan" ayuu qoray Chandy.

Ugu dambeyn, Hadalka Modi ayaa noqday mid ka mid ah Mowduucyada Twitter-ka looga Hadlayay Arbacada Maanta ah, iyadoo Shacabka Hindiya ay adeegsanayeen kartoonno iyo hadalo kale oo ay ku muujinayeen caradooda.

XIGASHO: BBC SOMALI