4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2016
KENYA: Xeryaha Dhadhaab waxaa la xiri doonaa Dabayaaqada Sannadkaan ee 2016-ka


Arbaco, Mey 11, 2016 (HOL)-Dawlada Kenya ayaa ku dhawaaqday in ugu dambeyn xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma la xiri doono dabayaaqada sanadkaan gaar ahaan bisha 11aad.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery ayaa shaaca ka qaaday in dawlada Kenya ay sii wado dadaalada lagu xiri doono xeryaha Dhadhaab.

Asagoo ka hadlaayay shir jaraaid oo lagu qabtay  Nairobi   ayaa wuxuu sheegay in xeryaha Dhadhaab ay ku dhuumaaleystaan xubno ka tirsan  Al-shabaab. Si kastaba ha ahaatee ururada xaquuqda aadanaha udooda ayaan ka biyo diidsan eedeynta noocaas ah isla markaana sheegaya in eedaasi aysan waxba ka jirin.  

Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa kunool qaxooti lagu qiyaasay 350 kun oo Soomaali ah.

Diyaarinta dib u celinta qaxootigaas ayaa haatan waxaa la sheegayaa in dawlada Kenya ay guddi u xil saartay. Wuxuu kaloo wasiirku sheegay in Kenya dib u celinta qaxootigaa ay qarash u meel dhigtay.

Guud ahaan, Kenya waxaa kunool qaxooti tiradoodu sare u dhaaftay nus milyan kuwaasoo Soomaalida ka sokow ka kala yimid waddamada Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya.


Aaden M Warsame
[email protected]