4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 11, 2016
SOMALILAND: Maamulka Hawada hal dhinac oo keliya laguma Wareejin karo si looga Hor-tago...


Arbaco, May 11, 2016 (HOL) — Wasiir-u-dowlaha Duulista Hawada Somaliland, Axmed Nuur Faahiye, ayaa sheegay in aanay jirin cid lagu wareejiyey maamulka hawadda sare ee Somaliand iyo Soomaaliya.

Faahiye, ayaa xusay inaan wali lagu sheegin in lagu Wareejiyo hawada maamulka Hawada, isla markaana ay wali gacanta ku hayso hay’adda qaramadda midoobay ee ICAO.

“Maamulka Hawada Somaliland iyo Somalia waxaa laga maamulaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, iyada oo la soo Wareejin doono marka Somaliland iyo Somaliya Heshiis ka wada gaadhaan arintaas, sida ay caddeysay Hay’adda QM u qaabisan Hawada “ICAO”, hal dhinac oo kaliya laguma wareejin karo Hawada, maadaama laga hortagayo qalqal amni iyo inay Car-qaladi timaaddo, Qaramada Midoobay, Dalalka Jaarka ah iyo Caalamkaba Waxay doonayaan in Hawada Somaliland iyo Somalia ay noqoto mid Nabad ah oo la isku halayan karo, Taasina waxay ku imanaysaa Heshiis laba geesood ah oo ay wada Gaadhaan labada Dawladood, kumana imanayso in hal dhinac isku koobo Maamulka Hawada," ayuu yidhi wasiir-u-dowlaha Wasaarada Duulista Hawada ee Somaliland Faahiye oo Warbaahinta la hadlay.

Ugu dambeyntiina, Wuxuu yiri. “Qalabka Saadaasha Hawada ((Metrology) ee Muqdisho la geeyay, waa Qalab loogu talo galay Saadasha Hawada iyo Cimilada, Qalabkaan mid la mid ah wuxuu u soo socda oo la keenayaa Madaaradda Somaliland ee Magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera dhawaan, waana qalab caawinya hawlaha shaqada (Operation) ee garoommada guud ahaan.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland