4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 11, 2016
Roobab Mahiigaan ah oo Kontomeeyo Ruux ku dilay deegaan koonfurta dalka Itoobiya ku yaalla


Arbaco, May 11, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay, roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Koonfurta Waddanka Itoobiya, kuwaasoo Mas'uuliyiinta Itoobiya ay sheegeen inay sababeen fatahaado iyo Daad xoog leh.

Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Wolaita oo ku taalla Koonfurta Waddanka Itoobiya oo ka hadlay Roobabkan khasaaraha geystay, ayaa sheegay in 41 ruux ay ku dhinteen Isniintii lasoo dhaafay degmada kaddib markii ay kusoo fataheen daadad xooggan oo wata-dhoobo, kuwaasoo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo saddex maalmood ka da’ayay Itoobiya.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta Wolaita ayaa xusay in sagaal qof oo kale ay ku dhinteen meelo ka mid ah Deegaanka Bole ee Koonfur-bari Itoobiya, halkaas oo ay ku qaadeen Daadadku boqollaal neef.

“Kumannaan ruux ayaa ku guyo beelay Daadadkan, waxayna sii cusleeyeen daadadku sidii gacan loo siin lahaa dadkaas ay Musiibadu ku dhacday, waayo waxaa bur-buray inta badan Waddooyinkii iyo kaabadihii,” ayay sheegeen mas’uuliyiinta Wolaita.

Xukumannaan Itoobiya iyo hay’adaha Gargaarku waxay codsadeen lacag dhan afar Bilyan oo Doollarka Mareykanka ah oo lagu Kaalmeeyo Malaayiin Ruux oo Deg-deg ugu baahan raashin.

Dhanka kale, Abaarihii ka jira inta badan dalka Itoobiya ayaa waxaa uga sii daray Cimilada El Nino ee Saameeyay Bariga iyo Koonfurta Qaaradda Afrika.

Ugu dambeyntii, Waddanka Itoobiya ayaa wajahaya mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee ka dhaca muddo 50 sannadood ah, iyadoo in ka badan 10 Milyan oo Qof ay u baahan yihiin Gargaar bini’aadamnimo.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya