4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 11, 2016
Barnie Sanders oo Hillary Clinton uga Adkaaday codeyntii u dambeysay ee gobolka West Virginia


Arbaco, May 11, 2016 (HOL) — Murashaxa xisbiga Dimuqraadiga waddanka Mareykanka Bernie Sanders ayaa wuxuu kaga adkaaday cod-bixintii doorashada is-reebreebka ahayd ee Gobolka West Virginia Murashaxadda uu loolanku kala dhexeeyo ee Hillary Clinton oo ay isku xisbiga yihiin.

Bernie Sanders, ayaa weli wuxuu daba-socdaa Hillary Clinton oo Hoggaaminaysa tartanka, balse guushan waxay niyad siinaysaa rajada aan badneyn ee uu leeyahay Murrashax Bernie Sanders.

Khudbad uu murashaxu jeediyay guushiisa kaddib ayuu ku xusay sida uu ugu adkaysanayo inuu yahay Ruuxa ugu Wanaagsan ee ka hor-is-taagi kara Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, inuu noqdo Madaxweynaha dalka Mareykanka.

Sidoo kale, Hillary Clinton ayaa weli hoggaaminaysa tartanka xisbiga Dimuqraadiga, balse dadka falanqeeya arrimaha Mareykanka ayaa sheegaya in Bernie Sanders uu helayo awood uu ku saameeyo siyaasadda Xisbiga ee Codbixinta guud ee Bisha soo socota ee November 2016-ka ka dhici doonta Mareykanka.

Murashax Donald Trump ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay Cod-bixintii Gobollada West Virginia iyo Nebraska. Iyadoo Tani ay sii kordhinayso Rajadiisa ah in loo magacaabo murashaxa xisbiga Jamhuuriga ah uga qayb-gali doona doorashada guud ee Mareykanka ka dhici doonta horraanta bisha November ee sannadkan 2016-ka.

Dhanka kale, Murashaxiintii u dambeeyay ee la tartamayay Trump ayaa ka haray Tartanka Toddobaadkii lasoo dhaafay, laakiin weli waxa ay ku qoran yihiin warqadaha cod-bixinta.

Trump ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag - maadaama uu isku dayayo inuu Taageerada Xisbiga Jamhuuriga helo, xilli uu sii kordhayo Shakiga laga qabo Hannaanka Maamulkiisa, haddii loo doorto Madaxweynaha Mareykanka.

Ugu dambeyn, Afhayeenka aqalka odayaasha Mareykanka, Paul Ryan oo ah sarkaalka ugu sarreeya xisbiga ee haya xilka loo tartamay, ayaa xusay inuusan taageerayn Donald Trump maadaama buu yiri inuusan ku socon Mabaadi’da Muxaafidnimada.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya