4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 11, 2016
SAWIRRO: Xildhibaanad Jabuutiyaan ah oo loo Doortay Madaxweyne ku xigeenka PAN African

Arbaco, May 11, 2016 (HOL) — Shirka Baarlamanka Afrika [Pan African] oo lagu qabtay doorashada madaxweyne ku xigeenka labaad ee Pan African oo ay xildhibaanada Gobolka Afrikada Bari xaq u lahaayeen, ayaa waxaa ku tartamay laba mudane - oo ay ka mid ahayd xildhibaan, Safiyo Cilmi Jabriil oo u dhalatay Dalka Jabuuti iyo Xildhibaan Charles Majak oo u dhashay dalka Koonfurta Sudan,  iyadoo ay tira ahaan xildhibaannadii ka qeyb qaatay ahaayeen 140-xidhibaan oo ka kala socday Waddamo kala duwan oo Afrikaan ah, waxaana doorashadii 105-cod ay guushu ku raacday xildhibaanad Safiyo.

Xildhibaanad  Safiyo Jabriil oo codeynta kaddib, la dhaariyay ayaa ballan-qaadday inay u hoggaansami doonto dastuurka iyo xeerka u yaalla baarlamaanka Afrika, iyadoo intaas ku dartay inay dhaqangalin doonto ujeeddooyinka iyo higsiga baarlamaanka Afrika iyo kan Midowga Afrika, waxay sidoo kale u mahad-celisay xildhibaannadii u codeeyay, iyadoo codsatay in lala shaqeeyo.

Sidoo kale, Xildhibaanad Safiyo ayaa si wadajir ah ugu hambalyeeyay xildhibaanada dalka Jabuuti oo iyagu sheegay in ay xilkaan culus ee loo dhiibay xildhibaannada uu yahay mid ay aad ugu faraxsan yihiin oo Run ahaantiina ay Illaahay uga baryayaan inuu ku Guuleeyo, iyadoo Sheegtay in ay Hambalyeynayaan Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka shaqeeyay inay Jabuuti heeraan soo gaarto.

Mudanayaasha Soomaalinimada la wadaaga Xildhibaanad Safiyo Cilmi Jibril ee kala socda Somalia , Kenya iyo Itoobiya oo ka tirsan Baarlamaanka Afrika, ayaa waxay Dhamaantood ugu hambalyeeyeen guusha ay gaartay, taasoo ay ku tilmaameen inay tahay guul Soomaali meel kasta oo ay joogto u soo hoyatay, ayna guushan sahli karto sidii Soomaaliya xasilooni loogu heli lahaa Caalamka kalana looga Dhaadhacsiin lahaa in Soomaaliya ay garab buuxa siiyaan.

Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad ee baarlamanka Afrika, Safiyo oo si buuxda loogu wareejiyay xilkan, ayaa xustay in guushaan ay gaartay uu horseeday Madaxweynaha dalka Jabuuti, kaddib markii uu Haweenka Jabuuti uu ka Qayb-galiyay Siyaasadda ayna ku gaareen inay heer Qaaradeed iyo Heer Caalamiba hoggaan iyo Waxqabadba la Qaybsadaan ummaddaha kale.

Ugu dambeyntii, Shirka Baarlamaanka Afrika ee xilligan qabsoomay ayaa Soomaalida uga duwanaa shirarkii hore, iyadoo ay xarunta Baarlamaanada Afrika ay kulmisay Xildhibaano Somali ah oo ka kala socday Somalia, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti, iyadoo ay labo mudane oo Somali ah ku Guuleysteen xilal Waa-weyn oo kala ah, madaxweyne ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka aAfrika iyo Gudoomiyaha Guddi Gobaleedka Bariga Afrika.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika