4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 11, 2016
Dowladda Somalia oo sheegtay inay ku sameyn doonto baaritaanno Adeegsiga Carruurta yar-yar

Arbaco, May 11, 2016 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si weyn uga Walaacsan tahay in Carruurta yar-yar ay ciidanka amniga Dowladda Somalia ku Xad-gudbaan xuquuqdooda, sida lagu baahiyay war lagu daabacay Wargeyska The Washington Post , 07-dii bishan May, 2016-ka.

War-saxaafadeed ay maanta soo saar

tay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu yiri. “Annaga oo ka mid ah dowladaha Saxiixay Cahdiga QM ee xuquuqda caruurta, arrintaas waxaan u eegi doonnaa si rasmi ah, sheegashooyinkaasi waxaa baari doona hay'adaha Qaranka ee u xilsaaran, waxaanan soo saaraynaa Warbixin waqtiga ugu dhaw ee suuro-galka ah, iyadoo la qaadayo Tallaabooyin walba oo lagama maarmaan ah.”

“Sidoo kale, Xukuumadda Somalia, waxay adeegsaneysaa Qaabab kala duwan oo sharci ah, dagaalkeeda guusha leh ee dhanka Millatari iyo kan fikir ee ka dhanka ah argagixisada,” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedka.

Bayaanka ayaa waxaa kaloo lagu xusay in Al shabaab ay ku tiirsan tahay mayal-adayg iyo ciidameynta caruurta - si ay u fuliso rabshadaheeda fuleynimo ee ka dhanka ah dadka raidka ah ee Somalia iyo dalalka deriska ah.

Wasaarada ayaa xustay in mid ka mid ah hababka ay Dowladda FS u marayso arrinkan ay tahay dhaqan-celin, Waxaana ka dhab ah inay Taageerto da'yarta ka Fallaagowday, kana goosatay kooxdii ay ka tirsanaayeen si mar kale dib loogu dhex milo shacabkooda, ayna u noolaadaan nolol macno leh oo ka fog Xadgudub & Argagax.

“Xukuumadda Soomaaliya iyo dhammaan hay'adaheeda waxa ay leeyihiin sharci-adag oo wax ilaaliya, iskaba daa in lagu xad-gudbo xuquuqaha Aas'aasiga ah ee dhammaan dadka Soomaaliyeed, si gaar ah kuwa aadka u awoodda-daran sida caruurta,” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dowladda Somalia, Waxay tix-gelineysaa baa lagu yiri bayaanka Dhallinyarada da'da yar, waxaana ka go'an inay wanaajiso noloshooda si ay ugu suuro-gasho ka Qayb-qaadashada iyo ka faa'iideysiga horumarka iyo hor-u-socodka ummaddooda. iyadoo taasi ay jirto, waa arrin aad looga xumaado waqtigan adag oo argagaxisadu ka jirto dunida daafaheeda , caruurtu waa kooxda ugu horreeysa ee dhibbanayaasha ah oo waajib ay tahay in si deg-deg ah oo dhammeystiran ay u taageeraan dowladaha iyo kuwa bah-wadaagga la ah .

Ugu dambeyn, Xukuumadda Somalia waxay si dhaw ula shaqeyneysaa dhamaan ururrada arrintaan ku shaqada leh, si sare loogu qaado Wacyi-gelinta ku saabsan xuquuqda carruurta iyo dhaqan-gelinta xaqooda. Tani waxa ay sii xoojin doontaa ambaqaadka lagu xaqiijinayo yiddidiilada Qaranka, loogana dhabeynayo horumarka guud ee joogtada ah.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya